Home / Warar / Wararka / Ra’iisul Wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya oo Maanta Booqday Isbitaalka Madiina
saacid oo booqday isbitaal madiina

Ra’iisul Wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya oo Maanta Booqday Isbitaalka Madiina

 

Drs Duniyo Cali oo ka mid ah Mas’uuliyiinta Isbitaalka oo war baahinta la hadashay ayaa sheegtay in Ra’iisul Wasaaraha Maanta si lama filaan ah uu u soo gaaray Isbitaalka Madiina.

Drs Duniyo ayaa sheegtay in Ra’iisul Wasaare Saacid uu booqday Isbitaalka isla markaana uu dul maray isagoo qof qof u dul joogsaday Bukaanada xiligan jiifa isbitaalka.

Ra’iisul Wasaaraha dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa Bukaanadii uu la kulmay u rajeeyay in Ilaaheey uu Caafimaad siiyo iyadoo Doctaresa Duniyana ay sheegtay in Bukaanada uu sida gaarka ah u booqday Ra’iisul wasaaraha in ay ka mid ahaayeen Caruurtii ku waxyeelowdey  Duqeyntii ay Ciidamada Amisomka ka gaysteen qaybo ka mid ah Gobolka Shabeelaha Hoose.

Kormeerkaas kaddib ayuu Ra’iisul wasaaruhu wuxuu kulan la qaatay  Agaasimaha Isbitaalka iyagoona ka wada hadlay suurta galnimada Dadka Caafimaadkooda wax looga qaban waayay gudaha sidii loogu heli lahaa  Caafimaad dibadda ah.

Kormeerka uu manta ra’iisul Wasaaraaha dawladda Federaalka Soomaaliya uu ku tegay Isbitaalka Madiina ayaa waxaa ku weheliyay Wasiiro ay ka mid ahaayeen Arrimaha Gudaha iyo Gaashaan dhigga.

Si kasta ha ahaatee Ra’iisul wasaaraha iyo xubnihii la socday ayaa kormeerkaas kaddib waxa ay u gudbeen Gobolka Shabeelaha Hoose gaar ahaana Magaala madaxda Gobolkaasi ee Marka.