Home / Warar / Wararka / Shirkadda Xawaaladda Amaana oo Maanta Deeq Kaalma ah Gaarsiisay Isbitalka Dhexe ee Beled Weeyne.
shirkadda amaana

Shirkadda Xawaaladda Amaana oo Maanta Deeq Kaalma ah Gaarsiisay Isbitalka Dhexe ee Beled Weeyne.

Iyadoo dhawaan maamulka isbitaalka Beled weeyen uu Baaq u diray Hay’adaha sama falka iyo Shirkadaha xawaaladaha ayaa manta Shirkaddii ugu horeysey Deeq Kaalma ah ay gaarsiisay Isbtaalka Dhexe ee Magaalada Beled weeyne.   

Maamulka isbitaalkaas ayaa dhawaan waxaa uu baaq u diray Shirakadaha kala duwan ee ka hawl gala magaalada Beled Weeyne iyagoona weeydiisaty in ay soo Caawiyaan Bukaanada ku jira isbitaalkaas oo iminka aysan jirin wax Hay’ad ah oo gacan ka gaysta Taageerada Bukaanada Isbitaalkaas ku jira.

Shirkadda  Xawaaladda Amaana ee Magaalada Beled weeyne ayaa Maanta deeqdii ugu horeysey oo isugu jirtay Shidaal, Raashiin iyo qalabka nadaafadda gaarsiisay kuna wareejisey Maamulka Isbitaalka.

Wakiilka Shirkadda Xawaaladda Amaana oo guddoonsiinta Deeqdaas kaddib Saxaafadda la hadlay ayaa sheegey iyagoo ka jawaabaya baaqii ka soo yeeray Maamulka isbitaalka in Maanta ay halkaa gaarsiiyeen Shidaal muddo Hal Bil ah hayn kara Isbitaalka, Raashiin kala duwan Saabuun iyo Oomo ay ugu tala galeen in wax loogu qabto Dadka Bukaanka ee Isbitaalkaas ku jira.

Shiikh Axmed oo isguna ku hadlay Magaca maamulka isbitaalka beled Weeyne ayaa ka mahad celiyay deeqdan manta ay shirkaddaas soo gaarsiisay isbitaalka isagoona ugu baaqay shirkadaha kale ee ka  hawl gala Gobolka iyaguna sidan oo kale dadka walaalahooda ah in ay wax la soo gaaraan.

 

Tan iyo Markii Hay’addii MSF ay banaysey Gacan ku hayntii maamulka isbitaalkaas aya waxaa isbitaalkaasi soo food saaray Duruufo kala duwan haba u badnaadeen Adeegyadii kala duwanaa ee uu Isbitaalku u baahnaa