Videos Warar

Daawo Muuqaal Shan iyo Shagaashan Jir Casharo Jimicsi ku bixiya Magaalada Muqdisho.

Cadaan Cali Geedi,waa 95 sano jir ku nool maaglada Muqdisho ee caasimada dalka Somaaliya waana Macalin dhanka Jimicsiga ka ah barxad ka soo horjeeda Garoonka Kubadda Cagta ee Banaadir Stadium ee magalada Muqdisho.

Macalin Cadaan ayaa waxaa Subax walba u soo Jimicsi doonta dad fara badan kuwaas oo isugu jira dhalinyaro iyo waayeel oo ka kala yimid dalka Dibaddiisa iyo gudihiisa kuwaas oo sheegay in ay wax badan ka faa’iideen Jimicsigiisa.

Macalin Cadaan oo goobtiisa ay booqdeen Wariyaal ka tirsan Radio Danan ayaa wax uu sheegay in howshaan uu bilaabay Sanadii 1996 dii xiligaasoo  uu ahaa qof fadhiga ku dukan jiray  lafuhuna ay xanuuni jireen balse loo sheegay in uu jimicsi sameeyo isagoo markii dambena isku bedelay Macalin dhanka Jir dhiska ah.

Hadab dadka qaarkood ayaa lagayaabaa in aysan rumeysan 95 Sano jir Macalin dhanka Jimicsiga ah oo ay u soo jimicsi doontaan Da`yar iyo dhalinyaro Cuslaatay waxaana uu Radio Danan idin kaga diyaariyay Warbixin Vedio ah waxaadna ka daawan kartaa.
Youtube ka ama linkiga Hoose

Adeega Warhaye

WAR-HAYE

Advertisement

Dahabshil