Home / Warar / Wararka / Kulan Looga Arrinsanayay Gacan ku Haynta Isbitaalka Magaalada Beled Weeyne oo Maanta Halkaa ka Dhacay.
isbitaal

Kulan Looga Arrinsanayay Gacan ku Haynta Isbitaalka Magaalada Beled Weeyne oo Maanta Halkaa ka Dhacay.

Wararka naga soo gaaraya Magaalada beled Weeyne ee Gobolka hiiraan ayaa sheegaya in manta kulan ballaaran uu ka dhacay gudaha isbitaalka Magaalada Beled weeyne.

Kulankan oo ay ka soo qayb galeen Siyaasiin, wax garad iyo Odoyaasha Dhaqanka Gobolka ayaa waxaa looga hadlayay Aayaha Isbitaalka ka gadaal markii ay halkaaas banneysey Hay’addii mudada Gacanta ku haysey.

Kulankii manta ay Mas’uuliyiintaas ku yeesheen Isbitaalka ayaa si weyn looga hadlay ciddii loo dhiibi lahaa maamulka Isbitaalkaas si loo sii wado hawlihii uu Isbitaalkaas u hayay Bulshada reer Beled weeyne.

Hay’adda MSF oo iyadu muddo Sideed sana ah gacanta ku haysey Isbitaalkaas ayaa halkaa kala baxday Shaqaalaheedii ka gadaal markii uu soo baxay Khilaaf u dhaxeeyay Maamulka Gobolka kaasoo soo da dajiyay in Hay’addu shaqada ay faraha  ka qaaddo.

Maalmihii u danbeeyay waxaa si aad ah u soo badanayay doodad ku saabsan Isbitaalkaas iyo sidii laga yeeli lahaa marka ay Faaruqiso Hay’addii Hawlaha halkaa ka wadday.

Maamulka Gobolka Hiiraan oo hadlay ayaa sheegay in aan loo joojineyn hay’adda hawlihii ay halkaa ka wadday isla markaana ay isku tashan doonaan haddii ay yihiin Dadka Reer Hiiraan sidii loo buuxin lahaa Booska ay bannaysey Hay’adda MSF.

Hay’adda MSF ayaa muddo dheer gacanta ku haysey hawlaha caafimaadka isbitaalkaas oo in ka badan Boqol Bukaan Todobaad walba ay booqan jireen iyadoo dhinaca kalena hay’addu ay gacan ka gaysan jirtay Nafaqeynta Dhallaanka iyo Hooyada.

Si kasta ha ahaatee shalay ayay ahayd markii Hay’addaas ay so oaf jartay hawlihii ay ka wadday Isbitaalka Magaalada Beled Weeyne.