Home / CIYAARAHA / Rikoor Noocee ayuu Dhigikaraa Lionel Messi Hadii Uu Caawa Gool Dhaliyo

Rikoor Noocee ayuu Dhigikaraa Lionel Messi Hadii Uu Caawa Gool Dhaliyo

Haddii uu caawa Lionel Messi shabaqa soo tabato marka ay Barcelona soo dhawayso Athletic Bilbao ee kulanka lugta labaad ee Copa Del Rey, ayuu isku darka goolashiisa iyo Ronaldo ka dhigi karaa 1000 gooloo waayahood ciyaareed ah, waana goolasha ay ka dhaliyeen heer kooxeed iyo heer qaranba.Messi iyo Ronaldo ayaa hadda wada jir ahaan u leh 999 gool.

Tan iyo markii uu Lionel Messi goolkiisii ugu horeeyay udhaliyay Barcelona bishii May 2005 kii ayuu guud ahaan dhaliyay 481 gool oo ay ku jiraan 49 gool oo uu udhaliyay Argentina. Messi ayaa goolkiisii ugu horeeyay Barcelona dhaliyay kulan uu badal xili danbe ah ku soo galay kulankaas oo ay Barcelona 2:0 ugu awood sheegatay kooxda Albacete.Lionel Messi ayaa 481 gool ee waayihiisa ciyaareed ee Barcelona iyo Argentina ku dhaliyay 611 kulan.

1

Messi ayaa waayihiisa ciyaareed ee Barcelona dhaliyay 432 gool kuwaas oo uu ku dhaliyay 506 kulan. 49 gool ayuu udhaliyay xulka qarankiisa Argentina kuwaas oo uu iyagana ku dhaliyay 105 kulan, waana sida ay ku soo baxday in uu guud ahaan waayihiisa ciyaareed dhaliyay 481 gool oo rasmi ah kuwaas oo uu ku dhaliyay 611 kulan.

2