Home / CIYAARAHA / Maanta Iyo Xanta Suuq Kala Iibsiga Wax Badan Ka Ogow

Maanta Iyo Xanta Suuq Kala Iibsiga Wax Badan Ka Ogow

Chelsea ayaa ka dalban doonta 80 milyan ginni kooxda Rela Madrid haddii kooxda reer Spain ay ku adkeysato rabitaankeeda ku aadan xiddiga reer Belgium Eden Hazard.

Lionel Messi ayaa qaadan doona isbuucii 583 kun ginni marka uu qandaraaskiisa cusub ee Barcelona uu dhaqangalo xilli ciyaareedka soo socda, taasoo la dhigeysa xiddiga caalamka ugu mushaharka badan abid.

Barcelona ayaa caqabad kala kulantay iskudaygeedii saxiixa weeraryahanka kooxda Celta Vifo Nolito, taasoo albaabka u fureysa in Arsenal ay afduubato saxiixiisa.

Felipe Caicedo ayaa ku soo laaban kara Premier League iyadoo weeraryahankii hore ee Manchester City uu soo jiidanayo xiisaha kooxda Everton.

Chelsea ayaa wajihi karta cunqabateyntii ay Barcelona soo martay sannadkii hore ee suuqa kala iibsiga, iyadoo lagu heysto xiddiga Bertrand Traore oo ay la soo wareegeen markii uu 16 sanno jir ahaa.

Newcastle ayaa dooneysa inay Loic Remy ku soo celiso St James Park laakiin Chelsea ayaa dooneysa 12 milyan ginni haddii uu weeraryahanka si joogta ah ku wareegayo.

Tottenham ayaa dalab kama danbeys ah oo gaaraya 17 milyan ginni ka gudbin doonta weeraryahanka West Brom Saido Berahino.

Kooxda Everton ayaa ah kooxdii ugu danbeysay ee daawada weeraryahanka kooxda Sporting Lisboan Islam Slimani.

Shaqada tababare Louis van Gaal ayaa ah mid badbaado qabta ugu yaraan ilaa iyo dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Alexandre Pato ayaa noqon doona ciyaaryahan Chelsea ah isagoo si joogta ah kooxda ugu biiri doona xagagaa haddii heshiiskiisa amaahda ee uu bishaan ku imaanayo Stamford Bridge ay noqoto mid lagu najaxo.