Home / Warar / Wararka / Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Wafddi uu Hoggaaminayo oo Maanta Dalka ka Dhoofay
xasann shekh

Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Wafddi uu Hoggaaminayo oo Maanta Dalka ka Dhoofay

Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya xasan Shiikh maxamuud iyo Wafddi uu Hoggaaminayo ayaa Maanta ka dhoofay Garoonka Diyaaradaha caalamiga ee Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa isla barqanimadii Maanta ka Degay Garoonka Diyaaradaha Khardduum ee Dalka Suudaan iyagoona ka qayb galaya Xuska Konton iyo Todoba Guurada ka soo wareegtay Markii Suudaan ay ka Xorowdey  Gumaysigii Ingiriiska.

Markii ay Diyaaraddii sidday Wafdiga Madaxweynaha ay ka degatay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada khardduum ayaa waxaa halkaas ka sii qaaday Diyaarad kale oo ka dejisay Magaala madaxda Gobolka Blue Nayl.

Madaxweyne Cumar Xasan Al Bashiir Madaxweynaha Suudaan ayaana halkaa si diiran ugu soo dhaweeyay Wafdigii uu hoggaaminayay Madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Shiikh maxamuud ayaa waxaa uu ka qayb galayaa Munaasibadda Konton iyo Todobo Guurada ka soo wareegtay Markii uu dalka Suudaan xoroobay isagoona wada hadalo ku aadan Xiriirka labada dal la yeelan doona Madaxweynaha Suudaan.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa inta ay halkaa joogaan waxa ay ka qayb galayaan Mashuurc Ballaaran oo Biya Xireen aah oo halkaa laga dhaqan geliyay isagoona halkaas Khudbad ka jeedin doona.

Booqashadan uu madaxweynuhu manta ku tegay Dalka Suudaan ayaa waxa ay noqoneysaa tii ugu horeysey ee uu Dalkaa ku booqdo tan iyo markii loo magacabay madaxweynaha Soomaaliya isagoona booqashad Suudaan kaddib booqan doona Dalal ku yaala Mandiqadda Afrikada Bari.

Si kastaba Booqashada uu madaxweynuhu Maanta ku tegay Dalka suudaan ayaa waxa ay jawaab u tahay Booqashadii kal hore ee Magaalada Muqdisho uu ku yimid Madaxweyne Al Bashiir Xiligii Caleema Saarka Xasan Shiikh maxamuud Madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>