Home / WARARKA / Dhagayso:Maamulka Galmudug oo aqoon saday degmo Cusub maamulna u sameeyay

Dhagayso:Maamulka Galmudug oo aqoon saday degmo Cusub maamulna u sameeyay

Wareegto ka soo baxday Madaxdaweynaha Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug C/kariin Xuseenn Guuleed ayaa degmo ahaan loogu aqoonsaday Xeraale .

Wasiir ku xigeenka arimaha gudaha maamulka Galmudug Mahad Maxamuud Cali oo oo Maanta Warbaahinta la hadlay ayaa aqiryay laba dekreeto oo ka soo kala baxday Xafiiska Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed kaasoo ahaa aqoonsiga degmo ee Xeraale iyo dekreeto ka soo baxday wasiirka arimaha gudaha Galmudug kaaso magacaabay Maamul KMG ah oo Degmada Xaraale loo sameeyay.

Wareegtada Madaxweynaha waxaa ku cadeyd markii arkay qodobka 57aad farqadiisa 8aad ee dastuurka galmudug, markuu tixgaiyay baahida deeganka,markui tixgeliyay trada iyo isku filnaasahaha Xaraale ,Markuu la tashtay Madaxwyne xigeenka wuxuu u aqoonsaday Xaraale wixii hada ka danbeeeya degmo buuxda oo ka tirsan Gobolka Galgaduuud madaama ay buuxiyeen shuruudihii degmo nimo.

Sidoo kale Wasiirka arimaha gudaha ayaa isna maamul KMG ah durba u sameeyay degmada cusub ee Xaraale waxaana dekreetadiisa lagu baahiyay in Gudoomiyaha Degmada Xeraale uu yahay Bashiir Daahir Yuuruf.

Sidoo kale waxaa ku xigeenka 1aad loo magacaabay Xuseen Cabdi,halka kuxigeenka 2aad loo magacaabay C/risaaq Xasan Cali,sidoo kale Cali Salaad Cabdule Macalin Ibraahin ayaa loo magacaabay Madaxa dowladaha hosoe.

Hoos Ka Dhagayso
Riix Halkan