Home / Warar / Wararka / Guddoomiyaha Maamulka dawladda Federaalka Soomaaliya Gobolka Shabeelaha Hoose oo Mar kale Baaq u Diray Dagaalyahanada Xarakada Shabaab.
cqaadir siidii

Guddoomiyaha Maamulka dawladda Federaalka Soomaaliya Gobolka Shabeelaha Hoose oo Mar kale Baaq u Diray Dagaalyahanada Xarakada Shabaab.

Guddoomiyaha Maamulka Dawladda Federaalka Soomaaliya  Cabdulqaadir Siidii oo munaasibadda Sanadka Cusub dartiisa Khudbad jeediyay ayaa ugu horeyn shacabka Soomaaliyeed hanbalyo u diray isagoona u rajeeyay in Sanadkan sanadkiisa ay ku gaaraan Nabad iyo Barwaaqo.

Sidii ayaa si gaar ah uga hadlay Gobolka Shabeelaha Hoose oo uu sheegay in sanadkii hore uu ahaa sanad Nabadeed Sanadkan bilanaya uu rajaynayo inuu u noqdoo sanad Barwaaqo waa siduu hadalka u yiriye.

Cabdulqaadir Siidii Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa Baaq gaar ah u diray  Dagaalyahanada Xarakada Shabaab isagoona ugu yeeray in ay ku soo biiraan Umadooda isla markaana aya ka waantoobaan dhibaatooyinka ay ku hayaan walaalahooda.

Guddoomiyaha ayaa u balan qaaday haddii Dhallinyarada u dagaalamaysa xarakada Shabaab ay isa soo dhiibaan ay la kulmayaan soo dhaweyn iyo daryeel gaar ah oo uu maamulkoodu u samaynayo isagoona uga digay inaysan ku sii jirin dagaalyahanada Xarakada Shabaab oo uu sheegey in xiligan ay u sii dhamaanayso waa siduu hadalka u dhigaye.

Cabdulqaadir Siidii Maxamed Guddoomiyaha Maamulka Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhinaca kale ugu baaqay shacabka ku dhaqan Gobolkaas in ay u jeestaan dhinaca wax soo saarka maadaama uu Gobolku ka mid yahay Gobolada ugu soo wax sasarka badan.

Hadalka Guddoomiyaha Maamulka dawladda ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa imaanaya xilli maalmihii la soo dhaafay Ciidamada Dawladda iyo kuwa amisom ay halkaa ka wadeen hawl galo ay nabadda kaga shaqaynayaan in kastoo weli Xaalad aan wanaagsanayn ay ka jirto guud ahaan Gobolkaas.