Home / Warar / Wararka / Qaraxyo Xalay ka Dhacay Qaybo ka Mid ah Magaalada Muqdisho.
bam gacmeed

Qaraxyo Xalay ka Dhacay Qaybo ka Mid ah Magaalada Muqdisho.

Weeraro loo adeegsaday Bam Gacmeed ayaa habeenkii Xalay ahaa waxa aya ka kala dhaceen Degmooyinka Wardhiigleey iyo Yaaqshiid kuwaasoo lagu weeraray Xarunta Degmada Wardhiigleey iyo agagaaraha Saldhigga Boliiska yaaqshiid.

Weerarkii lagu qaaday Xarunta Degmada War dhiigleey ayaa qaddar Hakad ah ku sameeyay Xaflad Ballaaran oo lagu sagootinayay Sanadkii hore ee oo halkaas ka socotay.

Xafladda oo ahayad mid ay ka soo qayb galeen qwayabaha kala duwan ee Bulshada  Degmadaasi ayaa mar qura waxa ay dadku ku soo naxeen Qarax gil gilay goobta kaasoo keenay in hakad uu ku yimaado Xafladdii isla markaana muddo la joojiyo in kastoo markii danbe ay halkeedii ka sii socotay.

Ciidamada ammaanka ee degmadaas ayaa markiiba baaritaano deg deg ah sameeyay kuwaasoo gacanta ku soo dhigay laba Wiil oo looga shakisnaa in ay ka danbeeyeen Qaraxii lagu soo weeraray Xarunta Maamulka Degmada War Dhiigleey.

Sidoo kale weerar loo adeegsaday Bambo nooca gacanta laga tuuro ah ayaa lagu qaaday saldhigga Boliiska Yaaqshiid.

Bambadaas ayaan wax khasaare ah gaysan iyadoo saraakiisha Ciidamada Boliiska ee sladhiggaas oo aanu xiriir la sameynay ay sheegeen inaysan jirin wax khasaare ah oo ay gaysataya Bambadaas.

Si kasta ha ahaatee Falalkii qaraxyo ee xalay ka dhacay qaybo ka mid ah Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay imaanayaan xilli Ciidamada Dawladda Federaalka Soomaaliya maalmihii danbe ay wadeen hawlo ay sheegeen in lagu sugayo ammaanka Magaalada Muqdisho.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>