Home / CIYAARAHA / kooxaha Liverpool VS Exeter City oo Caawa wada hardami doona.

kooxaha Liverpool VS Exeter City oo Caawa wada hardami doona.

Macalin Jurgen Klopp iyo wiilashiisa ayaa caawa garoonka Anfield ku soo dhawayn doona kooxda Exeter City kulanka FA Cup.

Liverpool ayaa kulanka caawa waxaa dhaawac kaga maqnaan doona dhamaan xidigaha kala ah Daniel Sturridge, Dejan Lovren, Martin Skrtel, Divock Origi, Steven Caulker.

Labadan kooxood ayaa waxay kulankii hore isla galeen barbaro 2-2, kulankaasi oo ka dhacay garoonka St James Park.

Labadan kooxood ayaa taariikhada wada kulmay 6 jeer Liverpool ayaa adkaatay 5 ka mid ah kulamadaasi.

Kulanka: Liverpool VS Exeter City

Garoonka: Anfield

Maalinta:Arbaco

Saacada:11:00 habeenimo