Home / WARARKA / Dhagayso:Odayaal dhaqameed ka soo horjeestay in hab deegaan wax loo qeybsado

Dhagayso:Odayaal dhaqameed ka soo horjeestay in hab deegaan wax loo qeybsado

Kulan ay maanta ku yeesheen magalada Muqdisho Odayaasha Dhaqanka ee beelaha hawiye ayaa waxa ay kaga hadleen arimo badan oo ku aadan dhanka Siyaasada iyo shirrarka kala duwan ee ka dhacaya gudaha Somaaliya.

Kulanka Odayaasha ayaa waxay ka soo saareen dhowr qodob oo ku aadan in ay ka soo horjeedaan in sanadan 2016ka qaabka awood qeybsiga laha dhigo hab deegaan balse uu noqdo qaab 4.5 ah.

Maxamed Xasan Xaad,oo ah Afhayeenka Odayaasha Dhaqanka Beelaha Hawiye ayaa Warsaxaafadeed ka koobnaa dhowr qodob u aqriyay Warbaahinta.

Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ka socda shir la doonayo in lagu Go’aamiyo nooca doorasho ee dalka Sanadan 2016ka taas oo leesku mari la.yahay.

Hoos Ka Dhagayso

Riix Halkan

One comment