Home / Warar / Wararka / Ciidamada Ammaanka ee Degmada Wadajir oo Toogasho ku Dilay Mid ka Mid ah Rag Isbaaro ay u Taalay Xaafadda J/Daa’uud.

Ciidamada Ammaanka ee Degmada Wadajir oo Toogasho ku Dilay Mid ka Mid ah Rag Isbaaro ay u Taalay Xaafadda J/Daa’uud.

Inta la xaqiijiyay hal qof ayaa dhintay halka mid kalena uu goobta ka cararay  ka gadaal markii ay Rasaas is weeydaarsadeen Rag ay Isbaaro u Tiilay Xaafadda Jinraal Daa’uud iyo Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee Degmadaas.

Rasaastii ay is weeydaarsanayeen labada dhinac ayaa waxaa ku geeryooday mid ka mid ahaa raggii Isbaaradu goobta ay u taalay iyadoo kii kalena uu goobta ka baxsaday.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada ammaanka ooh awl galkaas kaddib Saxaafadda hadal kooban siiyay ayaa sheegay in ay ka war heleen Raggaas labada ah oo Isbaaradu ay u taalay qayab ka mid ah xaafadda Jinaraal Daa’uud kaddibna ay halkaa u direen Rag ka tirsan Saldhigga Boliiska Wadajir kuwaasoo ay u suurta gashay in ay ka Takhalusaan mid ka mid ah raggii ay Isbaaradau u taalay isla markaana ay soo qaadaan Qorigii uu Isbaarada ku dhiganayay.

Sarkaalkan u hadlay Ciidamada dawladda oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa raaciyay in ay sii wadayaan hawl galada ay kula dagaalamayaan la dagaalanka Ragga caadeystay falalka amnio darro oo Isbaaradu ay qaybta ka tahay.

Hadalkan ka soo yeeray Sarkaalkaas ayaa waxaa uu imaanayaa xilli dhawaan Guddoomiyaha DegmadaWadjir ee Maamulka uu Dawladda uu ballan qaaday in ay wax ka qabanayaan Isbaarada gaar ahaana Degaanada uu Maamulkoodu ka arrimiyo.

Si kastaba dhawaan ayay ahayd markii sidan oo kale Askeri ku lebisan Direyska Ciiidamada dawladda oo Isbaaro ay u taalay Degmada Dharkeenleey ay Toogteen Ciidamo ka tirsan kuwa dawladda Federaalka Soomaaliya iyadoo Ninkii xalay la dilayna uu noqnayo Ninkii  koowaad ee isaguna lagu dilo Degmada Wadajir.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>