Home / Warar / Wararka / Xaaladda Xaafadda Islii ee Magaalada Nayroobi oo Saaka Kacsan. Kaddib Qarax Xalay Halkaa ka Dhacay.

Xaaladda Xaafadda Islii ee Magaalada Nayroobi oo Saaka Kacsan. Kaddib Qarax Xalay Halkaa ka Dhacay.

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Nayroobi gaar ahaana xaafadda soomaalidu ku badan tahay ee Islii ayaa sheegaya in saaka halkaas ay ka jirto xaalad Kacsanaan ah.

Xaafadda gudaheeda ayaa lagu arkayaa Ciidamada Koofiyad casta kuwaas oo illaa xalay halkaa ku sugnaa iyagoona baaritaana ku samayenaya Goobaha Ganacsiga iyo gaadiidka maraya waddooyinka Xaafaddaas.

Fiidnimadii xalay ayaa sida lagu soo waramay waxaa xaafadda Islii meel aan ka fogeyn Xerada Ciidamada Cirka Kiinya waxaa ka dhacay Qarax kaasoo ay ku dhaawacmeen illaa Lix qof oo Rayid ahaa.

Dadka Dhaawacu soo gaaray oo sedax ka mid ah Dhaawacoodu aad u daran yahay ayaa la sheegay in gaarsiiyay iosbitaalka Wey nee Magaalada nayroobi halkaas oo iminka lagu dabiibayo.

Qaraxan Xalay ka dhacay Magaalada nayroobi ayaa waxaa uu si weyn u saameeyay Soomaalida oo sida la sheegay iyaga loo saarinayo in ay ka danbeeyeen qaraxaas.

Ciidamada ammaanka Kiinya ayaa tiro Soomaali ah habeenkii xalay ahaa qab qabtay kuwaasoo ay u taxaabeen Xabsiyada Magaalada nayroobi iyadoona baaritaano lagu samaynayo.

Qaraxan xalay ka dhacay xaafadda Islii ayaa noqonaya kii labaad ee halkaa ka dhaca muddo laba Bilood gudahooda.

Si kastaba ha ahaatee Xaaladda Xaafadda islii ayaa saaka waxa ay u muuqanaysaa mid kacsan iyadoo Ciidamaduna ay wadaan baaritaanadii ay ku baadi goobayeen dadkii ka danbeeyay qaraxii xalay ka dhacay Xaafadda islii ee magaalada Nayroobi.