Published On: 2 December 2012 5:41 pm

Madaxweynaha Maamulka Ximan iyo Xeeb oo Baaq Nabadeed u Diray Beelaha ku Dagaalamaya Qaybo ka mid ah Gobolka Gal Gaduud.

Maxamed cabdullaahi tiiceey Madaxweynaha maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa ka hadlay Dagaalada ka soconaya qaybo ka mid ah Gobolka gal gaduud.

Madaxweynaha oo war baahinta la hadlay ayaa sheegay inuu si aad ah uga xun yahay Dagaalada khasaaraha gaystay ee dhex Maray labada Beelood ee Ood wadaagga ah .

Madaxweyne tiiceey ayaa sheegay in ay u dirayaan odoyaal kala dhex gala labadaas beelood ee walaaha ah isla markaana ay ku baaqayaan Xabad joojin la kala dhex dhigo labada dhinac ee dagaalku u dhaxeeyo.

Madaxweynaha ayaa baaq nabadeed u diray Beelahaas isagoona ka Codsaday in ay joojiyaan diririta u dhaxaysa  isagoona ugu yeeray wax garadka beelahaas in la abaabulo wada hadal lagu xalinayo Khilaafka jira.

Labadan malliishiyo Beel oo Maalintii shalay dagaalkoodu ka bilowdey Degaanka baal Dheer ayaa illaa iyo iminka dhimashadu waxa ay Maraysaa illaa labaataneeyo halka dhaawcuna kor u dhaafayo Afartameeyo.

Dagaalkan ayaa ka bilowdey Dhul daaqsiin ah oo labada malliishiyo beeled ay isku maan dhaafeen kuwaasoo muran badan kaddib fdagaalkoodu uu halkaaas ka bilowdey.

Odoyaal ka soo jeeda labada dhinac oo wada dadaal ay ku donayaan sidii Xiisaddaas loo qaboojin lahaa ayaan ku guulaysan.

Si kasta  ha ahaatee waxaan la garanayn Baaqan uu soo jeediyay Madaxweynaha maamulka Ximan iyo Xeeb waxa uu ka bedeli karayo Xiisadda Colaadeed ee u dhaxaysa labadaas malliishiyo beeleed.

Leave a comment

Warka Subaxnimo

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

Warka Duhurnimo

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

Warka Fiidnimo

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.