Home / Warar / Wararka / Wasiirka Gaashaan Dhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Wafddi uu Hor Kacayo oo Maanta gaaray Magaalada Beled Weeyne.

Wasiirka Gaashaan Dhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Wafddi uu Hor Kacayo oo Maanta gaaray Magaalada Beled Weeyne.

Cabdixakiim Xaaji Maxamuud Fiqi  Wasiirka  Gaashaan Dhigga Xukuumadda federaalka Soomaaliya iyo wafddi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray Magaalada Beled weeyne ee Gobolka hiiraan.

Wafdiga Wasiirka oo uu ka mid ahaa Taliyaha Ciidmada Jabuuti ee Soomaaliya ku sugan ayaa markii ay halkaa gaareen waxaa si diiran u soo dhaweeyay maamulka dawladda federaalka Soomaaliya ee Gobolka Hiiraan.

Fiqi iyo xubnihii la socday ayaa durbaba waxa ay soo kormeereen Xarumaha Ciidamada gaar ahaana halka Ciidamada dawladda lagu Tababarayo Xarumaha Ciidamada amisom gaar ahaana kuwa Jabuuti ee Magaaladaas iyo qaybo kale.

Wasiirka gaashaan dhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa u kuur galayay qaabka halkaas ay hawlaha uga socdaan iyo hawl galada Ciidamada amisom ay ka wadaan gudaha Magaalada Beled weeyne.

Kormeerkaas Indha Inadhaynta ah kaddib ayuu Wasiirku waxaa uu Fadhi la qaatay Maamulka dawladda Federaalka Soomaaliya ee Gobolka Hiiraan isagoona ka dhagaystay war bixino ku aadan xaaladda Gobolka.

Wasiirka ayaa u sharxay Maamulka Gobolka Ujeedada socodkooda isagoona intaa u raaciyay inuu salaan uga sido Madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Wasiirada Xukuumadda.

Cabdixakiim Fiqi aya aka codsatay Maamulka iyo Ciidamada dawladda iyo kuwa amisomba in si wadajir ah looga shaqeeyo sugidda amaanka Magaalada Beled Weeyne.

Safarkan Wasiirku maanta ku Tegay Gobolka Hiiraan ayaa waxa uu ka danbeeyay safar dhawaan uu halkaa ku gaaray Wafddi Wasiiro iyo Xildhibaano isugu jira oo Todobaadkii hore halkaa gaaray kuwaasoo indha indhayn ku sameynayay xaaladda Gobolka Hiiraan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>