Home / Warar / Wararka / Iska Hor Imaad Sababay Khasaare isugu Jira Dhimasho iyo Dhaawac oo maanta Ciidamo ka Wada Tirsan dawladda ku dhex Maray Degmada Dharkeenleey.

Iska Hor Imaad Sababay Khasaare isugu Jira Dhimasho iyo Dhaawac oo maanta Ciidamo ka Wada Tirsan dawladda ku dhex Maray Degmada Dharkeenleey.

Wararka naga soo gaaraya Degmada Dharkeenleey ee Gobolka banaadir ayaa sheegaya in barqanimadii maanta Iska Hor Imaad uu halkaas ku dhax maray Ciidamo ka wada tirsan dawladda Federaalka Soomaaliya.

Mashaqadan ayaa timi sida ay wararku sheegayaan markii Rag ku lebisan Direyska Ciidamada dawladda ay bilaabeen in gudaha xaafadaha Degmadaasi ay dhex dhigtaan Isbaaro isla markaana shacabka meelahaas deggan ku bilaabay falal baarasho iyo dhac isugu jira.

Ciidamo ka tirsan kuwa dawladda ayaa markii ay arrintaa ka war heleen waxa ay bilaabeen hawl galo ay ku doonayeen in Raggaas ay ku soo qab qabtaan hase yeeshee waxaa halkaa ka bilowdey is rasaaseyn dhex martay labadii Ciidan.

Mid ka mid ah Ciidankii Is rasaaseyntu u dhaxaysey  ayaa halkaa ku dhintay halka Seddax ka mid ah Dadka Rayidkuna ay ku dhaawacmeen.

Dadkii dhaawaca ahaa ayaa loola cararay Isbitaalada Magaalada Muqdisho in kastoo dhaawacyadoodu aanay ahayn xiligan kuwo Daran.

Intii ay is rasaaseyntu socotay aya waxaa istaagay dhaq dhaqaaqii dadka iyo ganacsiga, waxayna Xaaladdu goor danbe ku soo noqotay mid iska caadi ah.

Dadka Degaanka ayaa soo dhaweeyay ka hor tagga Ciidamada dawladda ay maanta ka sameeyeen gudaha Degmada dharkeenleey oo ka mid ah meelaha ugu Rabshadaha badan Degmooyinka Gobolka banaadir.

Hawl galkan Ciidamadu maanta ay ku baacsanayeen Raggaas dhibaatada ka wada gudaha degmadaasi ayaa waxaa uu imaanayaa xilli Guddoomiyaha Degmada Dharkeenleey dhawaan uu qayla dhaan ka muujiyay Falalka amni darro ee ku soo badanaya gudaha Degmadaasi.

Si kasta ha ahaatee xaaladda degmadaasi ayaa iminka deggan iyadoona ganacsigii iyo isu socodkii dadku uu ku soo laabtay xaalad caadi ah,