Home / Warar / Ciidamada Dawladda Federaalka Soomaaliya ee Ex. Kontorool Af Gooye oo Maanta Qaaday Isbaaro Halkaa Taalay

Ciidamada Dawladda Federaalka Soomaaliya ee Ex. Kontorool Af Gooye oo Maanta Qaaday Isbaaro Halkaa Taalay

Ciidamada dawladda Federaalka Soomaaliya ee ku Sugan Ex. Kontorll Adf Gooye ayaa maanta qaaday Isbaaradii gaadiidka Lacagaha looga qaaday ee halkaas taalay.

Isbaaro qaadistaas kaddib ayaa waxaa saxaafadda halkaa kula hadlay Taliyaha Ex. Kontorool Af Gooye Gaashaanle Nuur Xasan Nuur Jareer oo Saxaafadda uga war bixiyay qaabkii ay u qaadeen Isbaaradaas.

Taliyaha ayaa sheegay in iyadoo la fulinayo amarkii Madaxweynaha dawladda federaalka Soomaaliya ee ahaa inaan isbaaro la ogoleen ayuu Ciidanka Aaggaasi halkaasi ka qaaday Isbaaradii Lacagaha looga qaadayay gaadiidka isaga Goosha Goblada Koofureed ee iyo Muqdisha.

Nuur Jareer ayaa hoosta ka xarriiqay in maanta wixii ka danbeeya aan la aqbali karin in Ex. Kontorool Af Gooye lagu qaado Lacago sharci darra ah isagoona farta ku fiiqay  in Askeri gii lagu arko isagoo Gacanta u fidsanaya Gaadiidka B.L.ka ah iyo Gaadiidka kale ee Wadadaas ku socdaala in tallaabo sharci ah laga qaadayo.

Waxaa isaguna halkaa ka hadlay af hayeenka Ciidamada Ex. Kontorool Af Gooye oo sheegay in Ciidamadoodu Isbaarada markii la qaaday kaddib in ay qaadeen Ol Ole ay ku Nadiifinayaan Wadada af Gooye.

Af hayeenka ayaa sheegay in hawl galkaas ay ku soo qab qabteen Tiro Dad ah oo uu sheegay in ay ku lebisnaayeen Direyska Ciidamada kuwaasoo Wadada u galayay Gaadiidka halkaa maraya.

Dhallinyaradan ay soo qabteen ayuuna sheegay Af Hayeenku Axmed yare in ay u gudbin doonaan Xabsiga si loo maxkmadeeyo.

Si kasataba gaadiidka wadadaas isaga goosha ayaa maanta si madax banaani ah halkaa ku marayay iyadoo aysan jirin wax lacago ah oo laga qaadayay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>