Home / Warar / Wararka / Xaaladda Degaanka Mareer ee Gobolka Gal Gaduud oo Saaka Deggan

Xaaladda Degaanka Mareer ee Gobolka Gal Gaduud oo Saaka Deggan

wararka naga soo gaaraya Gobolka Gal Gaduud ee Bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in Saakay Xaalad Deggaansho aan caga badan ku taagneen ay ka jirto Degaanka Mareer.

degaanka Mareer oo qiyaastii illaa Shan iyo Afartan Kiilo Mitir u jira Geinsoor ayaa waxaa maalinimadii shalay Dagaal khasaare badan dhaliyay uu ku dhex maray Laba Malliishiyo Beeleed.

Inta la xaqiijiyay ayaa dagaalkii shalay waxaa ku dhintay Illaa iyo Todoba iyo Toban qof halka Soddon iyo Todobana ay ku dhaawacmeen kuwaasoo u badnaa Malliishiyadii uu Dagaalku u dhaxeeyay.

Dagaalkan u Dhaxeeyay Mallishiyo Beeleedkaas ayaa sida lagu soo waramayo ka bilowdey Dhul Daaqsiin ah oo labada dhinaca ay isku maan dhaafeen.

Odoyaasha Dhaqanka ee Beelaha Maliishiyadoodu is dishay ayaa iminka waxaa ay wadaan Ol ole ay ku doonayaan in ay ku joojiyaan Dagaalkaas ka soo cusboonaadaydegaanka mareer.

dagaalada u dhaxeeya Maliishiyooyinka ayaa inta badan waxaa ay ka dhashaan marka la isku maan dhaafo Daaqa ama Biyaha taasoo keenta Dagaalo Culus oo qabaa’ilka dhex marta.

wararkii ugu danbeeyay ee halkaas naga soo gaaraya ayaa sheegaya in weli ay soconayaan abaabul Dagaal isla markaana mararka qar dhinacyadu ay sku ridayaan Xabado walow dhinaca kalena uu jiro dadaalo ay wadaan Odoyaasha Dhaqanka.

wixii warar ah oo dagaaladaas ku soo kordhana waxaanu idinkugu soo gudbin doonaa wararkayaga danbe

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>