Home / Warar / Wararka / Maamulka Dawladda Federaalka Soomaaliya ee Degmada Dharkeenleey oo Codsaday in Degmadaas la keeno Ciidamo Nabad Sugid ah.

Maamulka Dawladda Federaalka Soomaaliya ee Degmada Dharkeenleey oo Codsaday in Degmadaas la keeno Ciidamo Nabad Sugid ah.

Guddoomiyaha Maamulka dawladda Degmada Dharkeenleey Macalin Cabdulle ayaa ka hadlay xaaladda ammaan ee degmdaasi.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in degmadaasi ay ka jirto Xaalad ammaan darri ah isla markaana maalmihii u danbeeyay ay ku soo badanayeen Dilalka qorsheysan iyo Falalka kale

guddoomiyaha Degmada Dgarkeenleey ee Maamulka dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in maalmihii u danbeeyay degmadaas ay ku soo badanayeen Rag Hubaysan oo aan la garanayn cid ay ka amar qaataan kuwaasoo uu sheegay in ay dhibaatooyin u gaystaan dadka Rayidka ah waa siduu hadalka u dhigaye.

Macalim Cabdulle ayaa ugu baaqay dawladda Federaalka Soomaaliya in Degmadaas loo soo diro Ciidamo Nabad Sugid ah oo gacan ka gaysta sugidda ammaanka Degmadaas.

degmada Dharkeenleey ayaa waxaay ka mid tahay meelaha ugu ammaanka daran ee magaalada Muqdisho iyadoowaliba xiligan lagu arkayo meelo ay yaaliin Isbaaro isla markaana Kooxo ku lebisan Direyska Ciidamada Dawladdu Isbaaro ku qaadayaan xilli la sheegay in la joojiyay Isbaaradii Gobolka banaadir.

si kasta ha ahaatee qayla dhaantan ka soo yeertay Guddoomiyaha Maamulka dawladda Federaalka Soomaaliya ee degmada dharkeenleey ayaa waxaa ay ku soo aadaysaa xilli dhawaan halkaas ay ku dagaalameen Ciidamo ka wada tirsan Dawladda Federaalka Soomaaliya dagaalkaas oo gastay KhasaareIsugu jira Dhimasho iyo Dhaawac.