Home / Warar / Wararka / Maamul Goboleedk Pontland oo ka Cabanaya Maraakiib Kalluumeysi oo laga leeyahay Dalka Iiraan oo Halkaas ku soo badanaya.

Maamul Goboleedk Pontland oo ka Cabanaya Maraakiib Kalluumeysi oo laga leeyahay Dalka Iiraan oo Halkaas ku soo badanaya.

Maamul Goboleedka Pontland ayaa waayadii danbe waxaa ka soo yeerayCabshooyin ku aaddan dhinca Bur Cad Badeedda Soomaalida iyagoona sheegayay in ay qaadayaan hawl galio ay kula dagaalamaayaan Kooxaha caadeystay af duubka maraakiibta.

Pontland ayaa hore u sheegtay in ay tababartay Ciidamo Marinees ah kuwaasoo loo tababaray la dagaalanka Kooxaha Bur cad Badeedda Soomaalida.

Wasiirka gaadiidka Badda iyo Dekadaha ee Maamulka Pontland Eng. Maxamed faarax oo la hadlay wara baahinta caalamka ayaa ka hadlay Kooxo Maraakiib Kalluumaysato ah oo laga leeyahay dalka Iiraan oo maalmihii u danbeeyay si xawli ah u soo galay Biyaha Pontland.

Wasiirka ayaa Maraakiibtaas ku eedeyay in fara ba’an ay ku hayaan Kheeyraadkii Dalka isla markaana ay wataan Qalab Jiriif loo yaqaano.

Maxamed faarax oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa raaciyay in Maraakiibtaas ay hoggaaminayaan Dad Soomaali ah oo Hubaysan kuwaasoo hor boodaya isla marakaana ku hoggaaminaya meelaha ay ka Klluumeystaan kalluumeysatada Pontland.

Eng. Faarax ayaa intaa raaciyay in Kalluumeystadii Pontland ee halkaas ka jillaaban jirtay haatan ay cabsi la soo dersitay ka gadaal markii ay la kulmeen Shabaagtoodii oo la jar jaray iyo Saxiimadihii ay wateen oo maraakiibta la jiirsiiyay.

Eng. Maxamed faarax Faarax oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa raaciyay in maadama Dalka ay ka dhalatay Xukuumad faderaal ah maalin maalmaha ka mid ah lala xisaabtami doono kuwo ka mas’uulka ah soo gelinta Maraakiibtaas shisheeye gaar ahaana Maraakiibta haatan ka timaadda Waddanka Iiraan.

Engiyeerka ayaa sidoo kale ku eedeeyay maraakiibta Ciidamada Badda ee Nato iyo Midowga Yurub ee Biyahaas ku Sugan in ay ka Jilaabtaan Xeebaha Soomaaliya isla markaana ay Wataan Maraakiib wadata Warshadi farsameeya Kalluunka.

Hadalkan Wasiirkaas ka tirsan Pontland ayaa imaanaya xilli Kooxaha Bur cad badeedda Soomaalida ay weli soo wadaan Ugaarsigoodii Maraakiibta isaga gooshta Biyaha Gacanka Cadmeed iyo Caalamka intiisa kale.