Home / Warar / Wararka / Cumar Faruuq iyo Ururka Suxufiyiinta Ugandha Dacwadooda Maxkamada gaartay Maxey Salka ku heysaa,Faruuq mar haduu Labatan Kun Bixin waayey isagoo Laba Milyan Dolar Raba, mase bixin doona Sideed Kun si Maxkamada u socoto?
c f

Cumar Faruuq iyo Ururka Suxufiyiinta Ugandha Dacwadooda Maxkamada gaartay Maxey Salka ku heysaa,Faruuq mar haduu Labatan Kun Bixin waayey isagoo Laba Milyan Dolar Raba, mase bixin doona Sideed Kun si Maxkamada u socoto?

 

Xalay ayey aheyd markii Bogeenan Internetka  ee Idaacada Danan baahisay warka ku saabsan guul darada  Kowaad ee uu kala kulmay  Cumar Faaruuq Maxkamad ku taal Dalka Ugandha iyadoo  sanadkii tagay laga ceyriyey ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed Xilkii uu u hayey kadib markii Musuq baahsan iyo isdaba marin ay ku cadaatay in uu ugeystay dhaqaalihii Caalamka ugu deeqeen Wariyayaasha Soomaaliyeed.

Idaacada Danan ayaa iyadu u dhaba gashay iskuna howshay in ay ogaato sababta Dacwada Maxkamadan ku timid.

Hadaba ururka ay leeyihiin Suxufiyiint Dalka Ugandha ayaa iyagu dhawaan u gudbiyey Dacwad ay kaga dalbanayaan ururka fadhigiisu yahay Dalka Zambia ee lagu magacaabo  Africa Capacity Building Foundation (ACBF)  in ay joojiyaan siinta  Lacag dhan Laba Milyan oo Dolar oo ay ugu talagaleen in lagu hormario Warfidiyeenada Toban Dal oo ka tirsan Waamada Geeska Africa oo uu Madax u yahay Cumar Faruuq.

Ururka suxufiyiinta Ugandha ee marka magacooda lasoo gaabiyo loo yaqaan (UJU) ayaa usheegay ururkan lacagta labada Milyan ugu yaboohaayey suxufiyiinta Geeska Afrika in aanan Ninkan Faruuqa lagu aamini karin lacagtan iyagoo sheegay in uu yahay shaqsi aan matalin Saxafiyiinta Soomaaliyeed lagana Xayuubiyey Xilkii uu u hayey (NUSOJ) iyago sidoo kale sheegay hadii aan taladooda la dhageysaneyn ay dalbanayaan Dal ahaan in laga saaro magacooda oo aanan lacag lagu kor cunin, waxeyna ku goodiyee hadii  Africa Capacity Building Foundation (ACBF) dhagaha ka fureysato Baaqoodan in ay Dacad la tiigsan doonaan oo uu lasoo xiriiri doono Garyaqaankooda.

Heyada Lacagta bixineysay ee iyadu qudheeda Lacagta kasoo qaaday Bangiga Aduunka (World Bank) iyo Hey`ada Lacagta aduunka ee (IMF) ayaa aritan u dhag raaricisay iyadoo horey usoo gaareen Warqado aAshtaka ah oo uga timid Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed e (NUSOJ) waxeyna hakisay lacagtii Labada Milyan ee Doolar  taasoo ka careysiisay Cumar Faruuq oo isagu isku heysta Xilka Suxufiyiinta Afica yo Kan Geeska Africa taasoo uu ku joogo Naas nuujin uu ka heysto Ninka Asalkiisa Marookaanka yahay ee heysta Dhalashada Dalka Igiriiska laguna magacaabo Jiim Bomolxa kasoo  Madax u ah Ururka Suxufiyiinta Aduunka ee (IFJ)  anagoo qorma kale uga faaloon doona hadii Alle idmo.

Cuma Faruuq oo ay u cuntami weysay talaabada Suxufiyiinta Ugandha ayaa Dacwad kusoo oogay Ururka Suxufiyiinta Ugandha isagoo ku eedeynaya in ay ku xadgudbeen masuuliyadiisa ah in u wali yahay xoghayaha Guud ee (NUSOJ) si dacwadiisa loo aqbalana waxaa laga codsaday Garyaqaankiisa Isaac Kimaze in uu dhigo lacag dhan Labaatan Kun oo Dolar madama uusan Dalka ku Laheyn wax Hanti ah sidaa darteedna hadii laga guulysto oo uu baxsado lacagtaa laga heyn karo, balse balantii koowaad ee aheyd  bilowgii bihan waa kasoo bixi waayey Faaruuq oo waa uu keeni waayeye Lacagtaa iyadoo Lacagtii wax laga dhimay Cabaad badan oo ka yimi Garyaqaankiisa, hase ahaatee Shan iyo Labaatankii Bishan oo aheyd waqtigii labaad ee loo qabtay in  Lacagtaa uu Keeno Cumar Faruuq ayuu keeni waayey mar kale, iyadoo hadana uu ku andacooday in laga faragaliyo lacagta ama laga dhigo Dacwaduu keensaday mid Bini`aadanimo si ay u noqoto mid lacag la`aan ah balse taas waxaa  diiday Maxkamada, waxaana hadana laga faragaliyey lacagtii iyadoo loo qabtay mudo Sodon Cisha ah in uu ku keeno lacag Dhan Sideed Kun oo dolar si Dacwadiisa uu u furto.

Ururka Suxfiyiinta Ugandha ayaa iyagu ah kuwa aad ugu dhiiraday, sheegayna in ay qalad tahay in Qof aanan matalin Saxaafada Soomaaliyeed uu hayo Xilal aysan jirin cid uu uga wakiil yahay, waxaana la leeyahay hadii uu keenaa Lacagtan iyo hadii kalaba ay tahay dhaawac halisa oo gaaray taasoo ay ku dayan doonaan  Wadama Badan oo Afrikan ah gaar ahaan kuwa Geeska Africa sida  ururka Suxufiyiinta Ugandha oo diiday in ay aqoonsadaan Shaqsi kaligii socda, waxaana dhici doonta in loo diido in uu Cagta dhigo wadamadaa, tani ayaa ku timid markii ay u dhabowday  dhawaaqa Saxafiyinita Soomaaliyeed ee ah in uusan Ninkan matalin gabi ahaanba.

Hadaba waxaa loo dhagtaagayaa Ninkan Raadinaya in aanan laga Ciideyn Laba Milyan oo Dolar oo uu Damac waalan ka qabo in mar un ay eebkiisa soo gasho bal in uu soo heli doono Sideeda Kun ee Dolar ee ay ku xiran tahay in uu ku furtaa Galka Dacwada, kaaso noqon  kara Gunaanadkiisa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>