Home / Qormooyin / Hayeey Faarax – W/Q. Saida Sheikh Axmed
sacdiya_vip

Hayeey Faarax – W/Q. Saida Sheikh Axmed

“Waar haye ii warran Saaxiibkeey Yeegoow? Maxaa sheegtay beryahaan laguma aragee?”
‘Ninyahoow caafimaad Wallaahi saaxiiboow Ifkoow ma aragtay

 

kii Faarax ahaa baan raadinaayay beryahaan?’
“Maya ninkaas beryahaan warkiisa lama maqal maxaa darnaa?”
“Wax sidaas u daran ma jiraan, waxaan rabay inaad asxaabta isku wacdo oo aan kaddibna ninkii raadinno oo magaaloo dhan baa dacwo ka ahaydoo, Xaliimoo dhan beryahaan statuskooda wuxuu ahaa Faarax oo lagu shidaayo, marka asxaabta intii kale meel ku sheeg, arrintaas aan ka odeyeeynee ninyahoow saaxiibow”

 

‘Saaxiiboow Wallaahi waxaan is maqalnaa beryahaan akhyaartii Axmed Nuurka,Cali biibaaye iyo Cumar Fooskaa iga wareeray’
“Waxaan u malaynaa shanteenna waa ku filan nahayee aan soo raadinno odeyga beryahaan juuqdiisaba waa la waayee”
Is aruursi maalmo qaatay kaddib waxaa la soo qabtay Faarax oo meel bar ah ka qaxweynaya, ayna ka qasnaynba, waxaa ay saaxiibaddii ku yiraahdeen “warninyahoow intee ka dhacday yaaqaay? Baryahaan laguma arkinee, waaba yaabnay, waxaan is dhahnay odeyga yaa la boodayee bal warka nasii”

Faarax: ‘Wallaahi dhib ma qabin nooh, waa iska og tihiinee waa xarooday lee, marka baashaal lee, maxaa jirana ma la idinka xaroon karo miyaa akhyaareey?’

 

Asxaabtiisi: ‘Maya saas ma ahan, horta xalwada inaad naga qarsatay waad ku ganaaxan tahay laakiin arrin kalaan kuugu soconnay oo dacwaa lagaa yahay”

 

Faarax: ‘Haye, warba idinkaa haaya, maxaa jirana, yaa iga soo dacwooday? Yaan soo dilay? Waaba iga nix nixinoosiinee”
Asxaabtiisi: “Maya kaama nixineynee Facebook oo dhan baa faro kaa yaallaan oo intii Xaliimo af qalaad wax ku qoreysay dhan status kooda adiga lee waaye abbaa, adaa saaran kawaanka maalmahaan ee saaxiiboow maxaa halleysay?”
Faarax: ‘Haa, intaas lee miyaa waaba yaabayee? Aniga waxba ma halleynin, aniga hawsheydaan iska watayba, maba ogeyn in kawaanka lay saaraayo, laakiin Illaahay ammarkiis lee maahinoo haddii lay saaray kawaanka haddeerto? Caadi waaye, Ciriiri ma ahan yaaqaay adduunkaan waasac waaye”

Asxaabtiisi: ‘“waayahay bal noo sheeg maxaa dhacay sidee wax u jiraan bal?”
Faarax: ‘Sheeko dheer waaye maa naga dhaaftiin yaaq?’

 

Asxaabtiisi: “Mayee soo daa, waan dhagaysanaynaayee waxaad dab shiddayee, kolleey wax yar maahee. Xaliimooyinkii waa kar karisay, Ingiriiskii dhan adeey kuugu dhammeeyeen, xoogaagii ay ku shaqeysan lahaayeen adaa ka dhammeeyay duqiyoow”
Faarax: ‘Saas miyaa eh ehehe, Waayahay, waa idin billaabaa: Aniga waxaan rabay inaan ku qabto Xaliimooyinka Ingiriis qoraan oo aan soo Soomaaliyeeyo oo aan isku darsado aqoontooda iyo anoo Soomaaliyeeyay kaddibna xabbada ugu mac aan kala dhex baxo nooh laakiin wax kasta war leey ka keenayaan, asxaabu muran waaye nooh, kaftanka xittaa isku si ma u kasayno, isku Soomaali ma nihin. Wax kastoo aad sheegto waxay ku dhahayaan “waa igu xad gudubtay” is fahmi waaygaas waxaa ka sii darnaa xoogaa kisteey iga dhammeeyeen, aniga waxaan is dhahaayay Xaliimooyinka afafka qalaad ku hadlaan khatar waaye, iyagaaba xoolo ugu tagee, laakiin waxaas keen, waxaas keen naftaa iga dhacday nooh. abbaa’
Asxaabtiisi: “waa koow haye”

 

Faarax: ‘Kaddib kaarto cusub aan usoo dhagsaday oo la dhaho Wallaahi saaxiibboyaalow aniga shiid aan ahay, shilin dhan ma qabo wareer aa i haayo kaddibna dhowr xabbo hal hal ay u siibteen nooh “
Asxaabtiisi: “Waa laba haye”

 

Faarax: ‘Kaddib intii soo hartay aan ku sii quraaminaayay, sidaan ugu akhrinaayay, markii danbe waaba ka talo baxay waxaan heley xabbad shidan oo Soomaaliyad fiican ah oo aan dalkii hooyo ka bartay, oo dhaqmeyso, oo tii la dhahay mudantii haweenka ah, teydii aan dhuuqsaday, kaddibna waa la xarooday. Xaliimooyinkii markeey warkaas maqleen oo ay maqleen inaan xabbaddan shidan aroos khatar ah u dhigay, ay fahmeen inaan suuqa usoo gashtay sheekada shiidka, kuwii hore u tagay xanaaq waa is cun cuneen, kuwii danbe aan ku qullaaminaayayna maseer, marka hadda shaqeey iga dhigteen camal’
Asxaabtiisi: “Waa saddex haye… Laakiin niman aa xittaa dagaal culus kugu haayay oo meeshooda comment badan ka bixinaayay, kuwaasna warkooda na sii”
Faarax: ‘Wallaahi saaxiibboyaaloow kuwaas nimanka ah ha la yaabina waxaa lagu soo dhahay “ Babe forgive me Faarax aan la faro-ka-cayaaree” marka sheekada dhan intaas lee waayebo, maba sii foga, marka anigana mar haddaan ka xarooday kelinimada iyo suuqii waalnaa waxay rabaan ha sheegaan iska dhaafa nooh waa igu shitaan lee dagaal maahan, colaadna ma ahan, waa ugu baxdaa in ay marba magac ii bixiyaan, marba sheeko cusubna ay iga abuuraan eh ehe ehe markeey jacayl run ah helaan, guri run ah oo qaboow ay galaan, waxay adduunyada ka rabaanna ay helaan iyagaa iska key illoobi doonee’
Asxaabtiisi: “waa yaab inta kale garanayee ‘Babe Forgive me Faarax aan la faro-ka-cayaaray lee noogu daran. Ninyahoow hadda waa xarootay Xaliimooyinka la hishii akhyaarna iska dhig”
Faarax: ‘ Waayahay, laakiin Xaliimo aniga Facebook-geeda aan kawaan camal u saaranahay haddaad aragtiin ma soo dulminin aniga dhib weyna ma jiro ee waa faro-ka-cayaarnay lee, kaddibna waa is fahmi weynay… waliba Xalimooyinka ugu badan aan meel saaray waa kuwa Ingiriisida u qoraan sida in ay Soomaali aheen camal, hadda waaba isku kay cabsiiyaan, “Hayeey Faarax ay dhahaan”

Asxaabtiisi iyo Faarax: “kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk”
Saida Sheikh Ahmed