Islam Warar Wararka

Dhagayso:Hogaamiyaha Puntland oo digniin udiray shacabka Burtinle

Hogaamiyaha Maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa Shacabka ku nool Degmada Burtiinle ee Puntland ugu baaqay iney ka shaqeeyaan hormarinta iyo Canshuur bixinta Degmadaasi.

Waxa uu sheegay in hadii si sax ah loo bixiyo Canshuurta ay wax welibo oo hormar ah iska imaanaya isla markaana uu ugu baaqay shacabka iney si sax ah u bixiyaan Canshuurta.

Waxa uu sidoo kale sheegay in ay muhiim tahay in laga wada qeyb qaato sugida amniga deegaanada puntland gaar ahaan Degmada Burtiinle.

Hogaamiyaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa Mudooyinkii dambe waxa uu booqasho ku maaraayay deegaano ka tirsan Maamulka Puntland, waxa uuna sheegay in booqashooyinkaasi ay yihiin kuwa uu ugu guur galayo Xaalada dadka ku nool deegaanada Puntland.

Dhagayso

Adeega Warhaye

WAR-HAYE

Advertisement

Dahabshil