Home / Sports / Xulka Qaranka oo Da’doodu ka yertahay 17ka Sano oo u Gudbay Wareegga Labaad ee Ciyaaraha Q. Afrika
xulka qaranka oo badiyey

Xulka Qaranka oo Da’doodu ka yertahay 17ka Sano oo u Gudbay Wareegga Labaad ee Ciyaaraha Q. Afrika

Ciyaar ku tirsaneed is aragga koowaad ee tartanka dhallinyarada Da’doodu ka yer tahay 17ka Sano ee Qaaradda Afrika ayaa shalay gelinkii danbe ka dhacday Magaalada Kharduum ee dalka Suudaan.

 

Ciyaartaas oo Xulka Dhallinyarada Soomaaliyeed hal iyo Eber uga badiyeen Xulkii dhiggooda ahaa ayaa waxa ay sababtay in Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya oo da’doodu ay ka yer tahay Todoba iyo Tobanka Sano ay ka gudubaan Wareegga koowaad.

 

Ciyarahan oo oo lagu tala galay in laba is arag ay noqdaan ayaa shir ay wada yeesheen labada dhinac ee Soomaaliya iyo Suudaan ayaa waxa ay ku heshiiyeen in Ciyaartaasu ay noqoto mid hal kulan oo keli ah laguna Ciyaaro Dalka Suudaan..

 

Xulka Kubadda cagta ee Dhallinyarada Soomaaliyeed ee Da’doodu ka yer tahay Todoba iyo Tobanka Sano ayaa waxaa ay soo ban dhigeen Ciyaar nadiif ah oo ay jecleysteen dadkii ka soo qayb galay daawashada Ciyaartaas oo ka dhacday Garoon ku yaala Magaalada khardduum ee Dalka Suudaan.

 

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga Xukuumadda Soomaaliya iyo dhiggiisa Suudaan oo Daawashada Ciyaartaas ka qayb galay ayaa gaba gabadii Ciyaarta u hanbalyeeyay Ciyaartoyda Soomaaliyeed ee ka badiyay kuwa Suudaan.

 

In ka badan Kumanaan Dhallinyaro Soomaali ah oo wax ka barta Magaalada Khardduum iyo hareeraheeda ayaa Garoonka soo buux dhaafiyay kuwaasoo taageerayay Ciyaartoyda Soomaaliyeed.

 

Taageerayashan ayaa waxa ay garoonkii ay Ciyaartu ka dhacaysey ku Camireen calanka Jamhuuriyadda Soomaaliya.

 

Si kastaba guushaan ay gaareen dhallinyarada Soomaaliyeed ee da’doodu ka yer tahay 17ka Sano ayaa waxaa si weyn looga soo dhaweeyay guud ahaan Soomaaliya gaar ahaana magaalada Muqdisho oo la arkayay dad u dabbaal degayay guushaas ay dhallinyarada soo hooyeen.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>