Warar Wararka

Beeraleyda gobolka Shabelaha Hoose oo loo furay tababar dhinaca beeraha ah

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda beeraha ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta tababar ku saabsan horumarinta wax soo saarka beeraha u furey qaar ka mid ah iskaashatada beeraleyda gobolka Shabeelaha Hoose.

Ujeedka tababarkan oo furay beeraleeydan ayaa ah sidii loogu  dhiiri gelin lahaa beeraleyda, sidii ay usii xoojin lahaayeen wax soo saarka dalka .

Oo muhiimad weyn uleh guud ahaan umada soomaaliyeed eek u nool gudaha dalka .

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha Maxamuud Maxamed Maxamed ayaa sheegay in beeraleyda loogu faa’iideynayo sida ay wax ku soo saari karaan, isla markaana ay Wasaaraddu dhiiri gelineyso dadka beeraleyda ah.Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Beeraha ee Xukuumadda Soomaaliya Cabdicasiis Saalax Casmaan ayaa sheegay in Wasaaraddu xoogga saareyso sare u qaadida wax soo saarka dalka.

“Waxaan ku dadaalaynaa in aan wax ka qabano dhibaatada haysata ama ay tabanayaan beeraleyda, ujeedka waxa uu yahay in la tayeeyo wax soo saarka dalaga beeraha, waxaana naga go’an inaan horumarino beeraleyda” ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Beeraha Ee Xukuumada Somalia

Inta badan beeraleyda soomaaliyeed ayaa sheegay inay wajahaan dhibaatooyin farabadan oo ubaahan in wax laga qabto .

 

 

Adeega Warhaye

WAR-HAYE

Advertisement

Dahabshil