Dhagayso:Sicir barar laga dareemaayo Suuqa degmada jowhar

0
1

Iyadoo ay maalmo qura kaharsan tahay Ciida Carafo oo kamid ah maalmaha ay leeyihiin dadka Muslimiinta ah ayaa waxaa ganacsi dhinaca Xoolaha ah waxaa laga dareemayaa suuqa degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabelaha dhexe.

Boqolaal ruux ayaa u ganacsi tegay suuqaas  si ay usoo iibsadaan xoolo nool oo ay maalinta Ciida ku dabaal degaan iyadoona suuqaas uu yaahy xiligaan mid mashquul ah.

Mid kamid ah Ganacsatada Suuqaas oo lahadlay Radio  Danan ayaa sheegay in xiligaan sarakac balaaran laga dareemaayo xoolaha kal duwan ee suuqasi loo soo iib geeyo waxa uu tilmaamay in qiimo koror badan uu jiro islamarkaana taasi ay sabab utahay  Ciid a Carafo.

Sikastaba marka lagaaro xiliyadan oo kale ee Ciida Carafo ayaa waxaa dunida inteeda badan gaar ahaan Somaaliya waxa ay dadku si aad ah u cunaan Hilibka halka Ciida Soon fureed ay isticmaalan Xalwada iyo buskudka.

Dhagayso

 

NO COMMENTS