Home / Qormooyin / Dowlada Qadar oo La Ogaaday In ay ka Mid aheyd Isbaheysigii Riday Shiiq Shariif.(Warbixin)
Madaxweyne Shariif

Dowlada Qadar oo La Ogaaday In ay ka Mid aheyd Isbaheysigii Riday Shiiq Shariif.(Warbixin)

Iyadoo Xalay looga guuleystay Shiiq Shariif Kursiga Madaxweynanimada ayaa hadana waxaa wali la hadal hayaa sidii ay ku dhacday guul daradaa lama filaanka ah ee iyadu si aad u abaabulan ku dhacday.

Hadaba Idaacada Danan oo iyadu aad u raac raacday sheekada ku hoos qarsoon Guul daradaa ayaa tan iyo markii Doorashadu dhacday ilaa Maanta ku jirtay si wax un uga ogaato halka  sartu ka quruntay iyo kooxaha ka qeyb qaatay in sida jamaca ah loogu durduriyo Madaxweynihii Hore Shiiq Shariif Shiiq Axmed.

Dadku inta badan waxaa ay qiyaasayaan in Guuldaradaa Shariifka qabsatay ay ka timid Rafiiqiisii hore Shariif xasan oo isagu Gurbaan beena u tumay isagoo markaa isaga dhigayey in uu yahay Qof karti u leh in uu aqbalo Saamaxaada ama is cafinta hase ahaatee taa badalkeeda waxaa meesha ku jirta in uu gacan weyn kulahaa Raiisulwasaarihii hore Cabdiwali Gaas taasoo aan  sii sheegnay Habeen kahor doorshada in ay ku wada heshiiyeen in qofkii u kormaraa kooxdooda kuna xigsadaa Shariifka la isugu tagoo la isugu geeyo Codadka taasoo sidii la filayey u dhacday.

Hadab Shariif Xasan Taakooyinka uu u dhigay Shiiq Shariif ee aarmagashada ahaa ayaanu ogaanay in ay yihiin sadax, kuwaa oo kala ah la istaagii ama kala qeybgalkii xafladii Ololaha Shiiq Shariif oo uu ku waayey Xubna badan oo Barlamaani ah kuwaa oo aad u necbanaa Shariif Xasan,tan labaad ayaa iyadu ah in uu ululay Calan Nabadeed oo Beena isagoo watay howshiisa sida Musharax u sharaxnaa Shariif Xasan  oo kasoo jeeda Beesha Shiiq Shariif kasoo lagu magacaabo Cabdiqadir Cosoble oo ay Saxiib isku dheer yihiin kaasoo ah Ganacsade Hantiila ah isagoo la qeybsaday tageerayaasha Shiiq shariif Helilahaa  iyo qodobka ugu danbeeya ee ah in Sharif Xasan ahaa is fahamsiiyihii isku xiraayey Musharixiinta uguna baaqayey taageerayaashiisa in ay Codkooda siiyaan Madaxweynaha hada Kuriga ku fadhiya Mudane Xasan Sheekh.

Guuldaradan Shiiq Shariif waxaa iyana ka qeyb qaatay Dowlada Qadar oo iyadu bixisay Lacag lagu sheegay ilaa Todoba Milyan oo Doolar taasoo laga dareemaayey qarashaada uu isticmaalayey Maalintii Ololaha Doorashada ugu danbeysay Madaxweyne Xasan iyadoo musharixiin ka badan boqol ay u Qado tageen Madaxweyne Xsan kuwaas oo sida aan xogtan ku heyno soo qaatay lacago gaaraya Sodon, Sodon Kun oo Doolar iyadoo la og yahay Madaxweyne Xasan Shiiq in uusan heysan lacagtaa iyadu aadka u badan walow uu ka mid yahay Masuuliyiinta Ururka Al Islaax Garabkiisa Damu Jadiid.

Hadab waxaa laga yaabaa in aad is weydiiso maxey sidan Dowlada Qadar ugula dagaalan tahay Madaxweynihii hore Shiiq Shariif, Dowlada Qadar waxey aad uga xumaatay Cilaaqaadkoodana uu xumaaday iyaga iyo Shiiq Shariif markii uu ogolaaday Wada hadaladii uu la galay Dowladii uu Madaxweynaha ka ahaa Marxuum Cabdulaahi Yusuf (AUN) taasoo uu markii danbe ka noqday Madaxweyne doorasha kadib, ilaa markaa Dowlada Qadar waxey ugu Kutubeysay Ul Booca iyadoo daqiiqadihii danbe Salaanka kala riday Shiiq Shariif, walow ay Warka Aljazeera lagu sheegay in Lacagtaa ka timid Dal Khaliijka ku yaal loona saariyey Gacansato taageersan Shiiq Shariif hadane taasi waxey aheyd  Qiiq isku qarin ay ugu talagashay Dowlada Qadar si ay u raad gadato, waxaana ay Dowlada Qadar noqotay Dowladii ugu horeysay ee u Hambalyeysa Madaxweyne Xasan.

Madaxweyne Xasan oo isagu ka soo jeeda Al Islaax gaar ahaan Garabka ka go`ay sanadka markuu ahaa 2006 ee lagu magacaabo Damu Jadiid ama Dhiiga Cusub iyadoo Madaxweynaha ay intaan oo kooxood ay ka shaqeeyeen sidii uu ku hali lahaa guushan  aysan kaba hadal Xarakada  alshabaab oo marar badan lagu xamanaayey in ay naas nuujin ka helaan Dowlada Qadar oo iyadu ah Kaabaha iyo kala badalaha Dowlada Carabta, taasoo aad ku ogaan karto Warbaahinteeda Xooga Badan ee Al jazeera oo iyadu wadama dhisnaa u rogtay Dab Holcaya, iyadoo intuu Madaxweynaha ka ahaa Dalka Shiiq Shariif aad u baahin jirtay Wararka ka dhanka ah Dowladiisa.

Shiiq Shariif Madaxweynihii hore ee Soomaaliya wuxuu Xiligii Doorashada lagaga adkaaday mar kale dhadhamiyay dhadhanka Guuldarada leedahay taasoo, soo xusuusineysa Jab badan oo uu usoo taagnaa laga soo bilaabo 2006 isagoo Niyad adag muujiyey xili laabtiisa ay ka baxeysay Olol dareensiinayey in halgan kale u furan yahay isagoo laabtiisa ay xaadir ku aheyd inaan loo kala harin Abaabulka ka dhanka ah Gacal iyo Shisheeyaba.