Home / Qormooyin / Khaliifo War laguma baado – W/Q. Saida Sheikh Ahmed
sacdiya_vip

Khaliifo War laguma baado – W/Q. Saida Sheikh Ahmed

Sheekaba sheekeey keentaahee, Khaliifooyinkii marka inta ay is aruursadeen maalmo, bilo iyo sanado ay aruuriyeen lacagta sabta, kaddibna maacuuntii, kaddibna xoolihii, kaddibna intii loo baahnaa dhan ayay maalinka sabta Allaylehee ku dhawaaqeen si isla weyni ay ku jirto, isla markaana kalsooni nafeed leh, hase yeeshee daalkii iyo diiftii diyaarinta ay wali ka muuqato karaamadase ay qarineyso wali ayaa intii samaha ka talinaysay hawlina ay ka ahayd hagar la’aan ay ku hambalyeeyeen oo Khaliifooyinka waxaa dhagahooda ku dhacay samo-doon oo dhan hambalyadii se Samo-diid oo dhan, xog-moog iyo indhaw-garadba waa idinka iska yaqaannee ay suuqa u galeen oo ay billaabeen in ay wareejiyaan sidii caadada ahayd hadallo raqiis ah oo ay ugu waaweynaayeen “Basal gaduuddii waxay kusoo baddaleen basal caddeey” qaar baa leh oo “basashu waaba yar tahayee” qaar kale baa leh “tamaandhada ama yaanyada sideey u fiiqaan aan aragno” Soomaali wax kasta wax bay ka tiriyee Khaliifooyinkiina waxay warkaba uga gaabsadeen “Habar fadhidaa legdan la fudud” oo ay kusii micneeyeen in ay ula jeedaan sida iyaga ay dedaalka ugu jiraan in aysan waxba ka soo qaadi doonin mid ka mid ah xaawaleydooda oo iska ka hurgufmeysa iyo mid kaloo meel-laawey ah toona. Meel lagu daalay bay war ku buuxi is leeyihiinee, ama war ku baada. Meelaha qaarkood in war la isku baado waa iska dhacdaa laakiin magaaladdaan Magacleey sheekadaas kama socoto, waxaa ka dhacda ninkii lagu tilmaamo tuug xittaa in magaaladaasi Magacleey ay dadkeeda sii jecleystaan tuuggaaba, waa midee waxaay is leeyihiin ‘Toloow tuuggu lacag badan buu hayaa aan ka noolaado” ama waababa magaalo soo jireen ahoo warkeeyba ka daashay way ka horreysaa warka oo dhanba.

Waxay soo xigataa Abwaan Yuusuf Yare oo waxa ay tiraahdaa “Awood Qaadirku dhiibay sacabkii qari maaga qoomamuu ka dhaxlaa”

Yaan ku fogaan magaalada Magacleeyee Khaliifooyiinkii way maqleen Samo-diid oo suuqa ugu jira, inta ay qosleen bay yiraahdeen: ” Waa gaariga aan gadaal raacee haddaan kooyay” Hawshoodana waa ay ka wateen. Khaliifooyinka shaqay yaqaannaan, ma fahman iska daba wareegga iyo malaayacniga oo xittaa markii ay sabta karinayaan bisadaha ku ag meeran ama meesha isa soo wada safa hadba gabal yaroo cad ah bay u tuuraan.. Waa halkii ciyaalkii xaafaddee ‘Xaaa ku sabir ah’  Iyaga waxaa wax kasta ugu muhiimsan in ay sabta si fiican u dhacdo, dadkana si fiican loo soooro, taariikh ay magaaloo dhan ka sheekeysana ay reebaan ma iyagaaba ku jira “Kooxda war ku baadka shaqada ka yeelatay” Sama-diidku af xishooda ma leh, waxna ma xeeriyaan, xittaa awliyada Illaahay kama fekatee maxayba uga joojiyaan? Mise adigaba ka soo qaad dad aan waxba xeerin oo aan lahayn dux iyo iimaan miyaad kaba fikiri lahayd ama aad wakhtigaada qaaliga ah ku dhummin lahayd?

Tu yaroo caqli badan baa Khaliifooyinkii kusii dhiirri galisay “War dadkaasu waa wax ma dhaawaceyaal iyaga un baa is dhaawaca” Caqli badnaa iyagoo hoosta ka leh bay hawshoodii sii wateen Khaliifooyinkii. Iyagoo xaf xafta haya, oo shaqadoodi wata, oo Alle ka cabsi iyo karaamo ay ka muuqato, baa waxaa irridka isa soo taagay Sheekhii weynaa Illaahay baa weynee, saa orod bay qabsadeen, inta ay salaan qiimo leh salaameen.

Wajiyadooda karaamada iyo dhalaalka ka muuqdaa waa mid Illaahay uu saaray ma ahan mid ay wakhti badan galiyeen in mar mariyaan kareemooyin lacag badan laga soo bixiyay. Iyagu waxaa uga muhiimsan in lacag badan lacag badan la galiyo waxaas in dadka baahan la quudiyo oo sadaqo lala baxo oo umadda oo dhan iyo deriska la ogaado… Marka way iska garanayaan samo-diidka maalinta sabta suuqa ugu jira ee warka ku baadaya in ay yihiin kuwa ka faana dadkooda, kuwa aan u nixin una naxariisan liitaha iyo qof tabaalaysan oo ay maanta adduunyadu ka hiilliisay, way og yihiin in ay samo-diidku ka faanaan in ay saxan gacanta la galiyaan dad walaalahood ah oo dhaqaale ahaan ka hooseeya, way og yihiin samo-diidku in ay cirkaas isla marayaan wayna og yihiin wax ay caayaan mooyee in aysan waxba soo siyaadin, wayna sii og yihiin nolosha iyo dunida in ay dhib iyo dhaawac ku yihiin Sama-diidku iyagana in ay dhib iyo dhaawac isku hayaan markaa waa ay ka socdaan, marba haddii ay u arkaan in aysan astaxyo lahayn…

Khaliifo Aamino ayaa xanaaqday kaddib markii ay sama-diidku awliyadii Illaahay dabada caay u qabteen, markasay tiri oo saanna ma jirtay in ay jiri kartaba ma moodeynee? Se Khaliifo Mako ayaa ku maslaxday ” Yaayah Khaliifo Aamino is daji Gafuur cawo ninkiisuu dhibaahee”

 

Khaliifo kaloo hawl iska haysataa ku dhufatay maanso:

“Murti nimaan gunteediyo

Baran gogol-dhiggeedoo

Gonda-degi aqoonoo

Garab-daar lahayn baa

Gawl-gawla hadalkoo

Kolba dhinac garoocdee…” Abwaan Hadraawi

 

Khalifooyinka illayn Hadraawi si gaar ah bay usii jecel yihiin, maansadanna kelmaddaa GARAB-DAAR way rux ruxdaa gabigodba, maxaa yeelay ishaarada inta jeer ay arkeen bay xusuusan yihiinee, inta qilaawo shaqeysayna waa ka war hayaan. Iyaga iyo Hadraawina meelo badan oo aan guntooda la gaarin bay iskaga tolan yihiin oo ciddii kala fuji maagtaa waxaa un ay ka qaadayaan faro-daal ba’anee, kama gun gaarto… Sama-diidkuse waa ku dhex waasheen halka ay iskaga tolan yihiin Abwaanka iyo Khaliifooyinka…

 

Dooddii,hadalkii iyo sheekooyinkii sideey u socdeen oo marba meel uga baxayeen, mar looga hadlaayay Khaliifooyinka iyo samirkooda, marna gargaarkooda, marna sida ay naftooda ugu huraan samaha, marna loo maansoonayay ayay kusoo xirayaan “Khaliifo war laguma baado weerarna wax loogama qaado.”