Home / Qormooyin / YAA QABA? Waa Qaraar aan la Shaacin (Faallo)
shir shir

YAA QABA? Waa Qaraar aan la Shaacin (Faallo)


Saxiixayaashii iyo Qaramada Midoobay waxay dhawaan isku raaceen in haweenka loo qoondeeyo in ay ku yeeshaan Baarlamaanka boqolkiiba soddon, taasoo si aad ah loogu adkeeyay odayaasha soo xulaya baarlamaanka in ay soo gudbiyaan qoondadaa laga sugayo balse odayaashan tala-ruug ah iyagana waxey soo saareen qaraar aan shaacsaneyn kaasoo ah ” YAA QABA”

Haweenka Soomaaliyeed kuwooda aan dalka ka cararin ayaa ah kuwa hooyo iyo aabbaba u noqday umada Soomaaliyeed taasoo ay ku guuleysteen in ay badbaadiyaan badi ubadkooda, taasoo qoraal iyo qirashaba la isku raacsan yahay, hase ahaatee dhawaantan markii la shaaciyey in dumarka la siiyaa qoondadaa go`an ayaa waxaa abuurmay jawi jahwareer ah, iyadoo beelkastaa odageeda ka caagay in uu gudbiyaa magac dumar, iyagoo middaa u arkay xirataraar lagu sameynayo dhaqanka suubban ee Soomaaliyeed iyo awoodooda hogaamineed, taasoo ay usii dheer tahay in beelaha inta badan aysanba laheyn haween iyagu hankoodu halkaa sii gaarsiisan yahay.

Cuqaasha beelaha matala ayaa la kulmay dhaleeceyn iyo culays saar, taasoo qaarkod ay u arkeen in ay ku tahay mid xad-gudub ku ah masuuliyadda ay u hayaan beeshooda balse markii ay ka fursan waayeen ayey u fakareen, waxaana bilowday in lagu soo sooco haweeneyda lasoo gudbinayo in ay tahay mid u dhaxda isla qoyska balse hadii ay tahay mid nin reer kale uu qabo in aanan laguba dari karin aysana matali karin magaca beesha taasoo ku tuseysa heerka qabiilku wali taagan yahay.

Arrintan waxa ay qaar badan oo haweenka kamida u abuurtay rajo kuwooda isla reerka nin ka tirsan uu qabo, iyadoo ay jirto is riix riix xagga hoggaanka ah uu ka dhex aloosan yahay qaar kamida  haweenka qurba joogta ah ee dhawaantan ku laabtay dalka iyo kuwa aan dalkii ka bixin ee soo taagnaa ilaa maanta oo ay rajadii dawladnimo dhawdahay.

Xifaaltankan xagga hoggaanka ayaa isagu soo shaac baxay xilligii meel marinta dastuurka iyadoo haween fara badan oo qurbaha ka tagay qaarkood xoogaa is bideen in ay ka aqoon badan yihiin kuwa gudaha joogay, luqaddana sida biyaha ay u cabayaan hadday ahaan lahayd Ingiriisi,Talyaani,Faransiis,Swedish, Jarmal iyo kuwa kale. Iyagoo markaa kula talinaya in ay u daayaan iska dhicinta ragga si ay uga soo dhiciyaan qoondada maqan, taasoo ay ka biya diidsan yihiin Haweenka aanan Dalka meelna uga bixin, yagoo qaba in wax raadisikooda ay u maraan Hab Maamuus leh oo aan laga boodeyn Hiddaha iyo Wannaaga lagu yaqaan Haweenka Soomaaliyeed.


Qorshahan oo ay Indheer garadku qabaan in uu yahay mid ujeedada laga leeyahay ay tahay in meshii Soomaali u fiyoobeyd oo ah Haweenka in farqaha loo galiyo Dagaal ku dhamaan kara oo kaliya Dhqan guur ku yimaada Habkii ay ku nooleed Bahweynta Somaaliyeed, waana tan keentay in  ay soo baxaan mid kamida Haween Qurba joog ah oo waliba Masuuliyad heysa taas oo leh maxaa Odayaasha Dhaqanka loogu dari waayey Haween iyo qaar iyagu Dhaleeceyn aan kuba wanaagsaneyn Cuqaasha u marinaya Warbaahinta iyagoo aad moodo in  Odey dhaqameedkoodu  uu yahay Mahiga marka aad maqasho sida ay ugu Dacwoonayaan.



Haddaad maqli jirtay nimankan qurbaha ka yimid qaarkood  Ilmahooda ayaa xabsiyada ku xiran iyo reerahooda ayey soo dayaceen, maxaa diidaya markaad aragto qaar kamida haweenka oo odayaasha dhaqanka aan xushmaynayn, dhaqankii iyo kala danbeyntiina illoobay, in  la dhaho haddaa tihiin qaar kamida haweenkanow maxaa dhaantaan qaar kamida Ragga ee iyaguba Qurbaha ka yimid, iyadoo la ogyahay Haween badan oo Qurbaha ka tagay in ay Dalka wax u qabteen, kaalmeeyeen kuwa u baahan kaalmada,waxna kusoo kordhiyeen ka shaqeynta Nabada iyo walaalowga Umada Soomaaliyeed, Dhaqan aan la minguurin oo aan Qurbaha laga qaadine ah kii Ab iyo Isirna wata kula noqdeen Dhulkii Hooyo,iyadoo kuwaa wanaagsan Amaantooda ay kaga hor imaaneyso meelkasta lakiin kuwa la amaanay iyagu Xilibaanimadan gaartay yaa qaba ma rabaan mase?

Maslaxaa maalmo lagu moodaayee odayaasha dhaqanka ayaa iyagu raggii isku rabay xildhibaannada ku qanciyay in ay ka oggolaadaan in ay gudbiyaan gabar iyadu reerka u dhaxda iyadoo qaarka aan reerka lahayn ee aan wali la guursan aad mooddo in si dadban la isugu farjaawinayo in si dhaqsa leh reerka aysan u dhaafin oo la reereeyo, si talada reerku u ahaato mid wada socota oo aan kala socon, waa sida ay u arkaan iyagee.

Qorshahan si gaar gaara ah aad moodo gabagabadii in loo hindisay ayaa noqon karta haddii Beelaha dhammaan hir-galiyaan mid curyaamin kara Haween fara badan oo ku habboon in ay booskaa buuxiyaan kuwaa oo iyagu u hanqal taagaya in ay ka mid noqdaan liiska xildhibaannada dhawaan soo bixi doona oo aan illaa hadda ay adag tahay in la ogaado in beelaha dhammaan ay wada gudbiyeen qoondadii haweenka, waxaase su`aal ah haddii Qaramada Midoobay iyo saxiixayaashu sii ogaan lahaayeen qaraar hoosaadkan aan la shaacin ee ah “Yaa qaba” waxa ay kaga sii baaraan dagi lahaayeen. 


Mohamed Barre Haji “Fiyoore
Agaasimaha iyo As`aasaha  Radio Danan ahna
Qorraa iyo Saxafi Somaliyeed
www.Radiodanan.net