Home / Qormooyin / Muqdisha iyo Hadal Haynteeda Maanta. (-F a a llo- )
Ustaad Aadaamo

Muqdisha iyo Hadal Haynteeda Maanta. (-F a a llo- )

 

Iyadoo ay Foodda nagu soo hayaan Laba maalmood oo si weyn looga hadal hayo Magaalada Muqdisho ayaa waxa aan Sawir guud ka bixinayaa muuqaalka, dhaq dhaqaaqyada iyo Jawiga Muqdish sida uu maanta yahay.

 

Magaalada Muqdisho waa Caasimaddii Soomaaliya, waa magaalo Madaxdii Qarankeena, waxaa soo maray maalmo kala duwan, waxaa soo maray Maalmo farxadeed, waxaa soo maray Maalmo Murugeed, waxaa soo maray Colaado, waxaa soo maray Magac iyo Sharaf, waxaa soo maray mugddi iyo magac darro intaba.

 

Intii aan joogay Magaalada Muqdisho gaar ahaana xiliyadii Dagaalada ba’ani ay ka dhacayeen waxaan Xasuustaa Waddooyinka Magaalada qaar ka mid ah oo ay Dadku teel teel ku yihiin siiba Waddooyinka caanka ah, gaadiidka oo qudhiisu yahay mid lagu diimo gaar ahaana midka B.l.ka, waxana inta badan indhahaagu ay qabanayeen gaadiidka Dagaalka oo Wadooyinkaas Taxshleynya.

 

Maantase waa sawir ka bedelan kii hore, waxaa maskaxdaada ku soo dhacaya Abooyaaloow gaadiidka magaalada ku socda iyo Dadka yaa badan,waxan oo dad ah  xaggey ka yimaadeen wejiyaal Magaalada ku Cusub oo aan Bara kacayasha ahayn, gaadiid fara badan iyo Magaaladii oo Saxmadeedu badatay.

 

Waxaan qaybta hore ee Qoraalkeygaku sheegay Laba maalmood oo si weyn looga hadal  hayo Magaalada Muqdisho haddaba maxay kala yihiin labadaas maalmood mid waliba oo labadaas maalmood ka mid ahina maxay saameyn ah oo ay wadataa?

 

Maalinta Ciidda Soon Fureed:- Maalintaasi waa maalin ku weyn guud ahaan caalamka Islaamka, gaar ahaana Shacabka Soomaaliyeed oo marka xiligan oo kale la gaaro si weyn ugu diyaar garooba sameeyana dhaq dhaqaaq ka duwan kii hore, waxaad arkaysaa magaalada Muqdisho Suuqyadeeda waa weyn Waalidiin Gacmaha jiidaya Caruurtooda si ay ugu soo gadaan waxyaabihii ay uga qayb qaadan lahaayeen Ciidda, Caruurta wejiyadooda farxad ayaa laga dheeahanayaa Aaboo ama Hooyo aniga kaas ii gad kan ii soo qabo Inyow Inyow ma rabo kaas iyo dood aan dhamaanayn illaa Gurigii ay ka soo baxeen ay dib ugu laabanayaa,

 

Sidoo kale Dad Masaakiin ah oo kolba waddooyinka dhinac u goynaya una sii gydbaya Xarumaha Shirkadaha iyo goobaha laga iibsado Badarka oo safaf dhaa dheer oo dad ah ay taagan yihiin Duca qabe Fidrada aniga I sii, Agoon baan hayaa waayeel baa igu Xiriira waa hadalada aad maqlayso maalmhan .

 

Ugu danbayntana muran durbaba la sii bilaabay ayaa ka jira magaalada Guuxa dadka ayaa ayaan maqlaysa iyo su’aalo la is weeydiinayo Horta Maalinta Ciidda Soon Fur goormeeey ku beegan tahay Waa Sabti iyo waa Axad ka kac anagu Jimce Baan Soonnay Sabtina waa noo Ciid iyo ma aha Sabti bay Bishu Soddon tahay waa muran iska Caadi ah oo Bulshada Muqdisho oo ay Bil walba Soonkeeda iyo Afurkeeda ay isku Khilaafaan  .

 

Doorashada Madaxtinimada Soomaaliya:- maalinta Labaad ee magaalada Muqdisho ku soo fool leh waa tartanka Doorashada Madaxtinimada Soomaaliya oo si weyn maagaalada Muqdisho looga hadal hayo.

 

Maalin walba waxaad maqlaysaa Musharax Hebel oo qabtay Munaasibad uu ku shaacinayo Musharaxnimadiisa, kooxo Fadhi ku dirir ah oo sharaxaya Musharax walba Taariikhdiisa Muran xoog leh oo wadooyinka lala marayo, Sawiro Mushrax uu leeyahay oo Derbitada lagu dhejiyay iyo qaar aan taageersanayn Musharaxaas oo Sawirkiisa Wejiga ka jeexay, Gaadiid lagu Xiray Samaacado waa weyn iyo Sawirka Musharaxaas oo magaalada marba dhinac loo marsiinayo.

 

Waa Magaalo Shidan Tartan aan hore loo aragna laga dhowrayo, shaki iyo Dareen baa jira, dadka qaarkood ayaan ku qanacsanayn arrimahan soconaya, Musuq baa jira, Eedo iyo Mucaaradad xoog leh baa durbaba bilowdey, Taageerayaal badan baa u tafa xeeydan in Musharaxoodu uu guulaysto haddii kalena ay ka tahay Gaw iyo gash ma laha.

 

Isku soo wada duuboo Magaalada Muqdisho ayaa maalmahan waxaa ka jira Buuq aad u fara badan oo wada saameeyay Bulshadii oo dhan min qoys illaa meesha ugu sarreysa lase arki doonee sida uu xaalku ku dhamaado, sida loo Ciido iyo Musharaxa Muran la’aan ku Guulasyta qabashada Madaxweynaha Soomaaliya Labaatan Sano kaddib.

 

W/Q. Ustaad Aadan Macalin “Aadaamo”

E-Mail.aadaamo2@hotmail.co.uk

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>