Home / Warar / Wararka / UJEEDO:WARMURTIYEED UGAASKA BEESHA “ODAYMARKA” EE BEESHA GAADSAN
xoola qal

UJEEDO:WARMURTIYEED UGAASKA BEESHA “ODAYMARKA” EE BEESHA GAADSAN

Sida aad la socotaan waxaa jirey shirar ay  maalmahan  danbe  qabsanaye  Odayaasha dhaqanka, Culumaa’udiinka, Siyaasiyiinta, dhalinyarada,  Aqoonyahanda  iyo waxgaradka   Beesha  Odaymarke,  ee Beesha  Gaadsan. kaa soo ay kaga tashanayeen ayaaha iyo  masiirka  Beesha, iyo sida ay  Beeshu horumar u sameyn lahayd.

 Sidaas darteed waxay Beeshu kulankaas ku dooratey   “Ugaaska  Maxamed Budul Cabdi Cali ”  oo ay Beeshu isku raacdey inuu hogaanka u qabto Beesha Odaymarke  ee                                                                           Beesha Gaadsan.

Doorasho kadib waxaa hadal dheer halkaa ka jeediyey  UGAASKA  wuxuu yiri, waxaan aaminsanahay inaad iidhiibteen ammaano Cirka iyo dhulka ay diideen, waxaan codsanayaa inaad dhinaciina qabtaan.

Dhanka kale ayaantan waxaa jiray  in dhaqankii iyo Siyaasadiiba lays dhex galiyey, waxaan leenahay Dhaqanku waxaa uu waajibaadkiisu ahaa inuu ka sheeqeeyo Hourmarka, Nabadda, Beeshiisa iyo Beelaha Dariska la’ah. Sidoo kale waxaa jiray  in  Beeluhu  aysan isku Hogaan aheyn, hadda  ka soo qaad Beesha  Gaadsan, Beel kasta oo Beesha  Gaadsan ka mid ah  waxey leedahay  Ugaas u gaar ah, marka kuwa  inta  badan sheegta  inay yihiin   Ugaaska Gaadsan, waxaan leenahay Iimaanka Allaha idin galiyo,Qoyskaaga ayunbaad  u tahey  hogaan dhaqameed.

 Dowlada:- waxaan filayaa in masiir Qabiil  leeyahey aadan sii Karin Qabiil kale, waxaana fiican inaad hubsatid sida Beeluhu ay u kala leeyihiin Hogaan dhaqameedka.

Waxaan hadalkayga ku soo ururinayaa  Tawfiiqda iyo talada Beesha  Allaha ururiyo. Ummadda Soomaaliyeedna taladooda iyo towfiiqdoodana Allaha ururiyo.

Wabilaahi towfiiq