dhaqanka iyo hidaha Warar

Ardey Soomaali ah oo ka qeyb galay bandhig dhaqameed lagu qabtay dalka Jordan

Ardeyda Soomaaliyeed ee wax ka barata dalka Jordan ayaa ka qeyb qaatay bandhig dhaqameed lagu qabtay qabtay dalkaasi iyagoo soo bandhigay waxyaabo fara badan oo tusaaleynaya hab nololeedka guud ee Soomaalida.

Bandhig dhaqameedkan oo ay soo qabanqaabisay Jaamacadda Jordan University of Science and Technology oo kamid ah Jaamacadaha ugu caansan dalka ayaa waxaa ka qeyb qaatay ardey ka socotay ilaa 20-jaaliyadood oo u badnaa dalalka Asia iyo Africa.

Ardeyda kunool Jordan oo badankoodu dagan yihiin caasimadda labaad ee dalka oo ah magaalada Irbid ayaa bandhigan uga qeyb galay si aan kala har laheyn iyagoona soo bandhigay dhamaan waxyaabaha ay Soomaaliya iyo Soomaalidaba caanka ku yihiin sida: goobaha taariikhiga ah, alaabta ay soomaalidu dhaqan ahaan isticmaasho,dharka hiddaha ah ee la xidho,Farshaxanka, Ciyaar-dhaqameedka Soomaalida, goobaha loo dalxiis tagi karo ee Soomaaliya iyo guud ahaan horumarka deegaannada Soomaalidu ku nooshahay.

Guddoomiyaha ardeyda wax ka barata dalka Jordan C/laahi Nuur Xuseyn (Mash-huur) oo lahadlay Danan ayaa sheegay in Soomaalidu ay kamid aheyd jaaliyadihii ugu wanaagsanaa inta uu socday bandhigga isagoona u mahad celiyay ardeyda iyo dhammaan intii ka shaqeysay in ay qabsoonto howshaas adag.

Dhammaan jaaliyadaha ka qeyb qaatay bandhig dhaqameedka ayaa marka laga reebo Soomaalida, waxay ahaayeen kuwo taageero ka helay safaaradaha dalalkooda oo gacan kusiinayey dhammaan wixii ay u baahnaayeen si ay meel sare uga galaan bandhigga, iyadoo taa ay jirto ayey haddana ardeyda Soomaaliyeed waxa ay ka fiicnaayeen jaaliyado badan oo helay taageero ku filan iyagoona muujiyay karti xoogleh oo ay ku ilaaween kaalintii ay dowladda ka dhowrayeen.

Dadka usoo daawasho tagay bandhigga oo isugu jiray ardey iyo dad caadiya ayaa waxaa aad usoo jiitay alaab dhaqameedka taariikhiga ah iyo waliba dharka Soomaalidu hiddaha u leedahay iyagoona isku sawirayay dharka dhaqanka ah.

sikastaba bandhig dhaqameedkan oo socday muddo todobaad ah ayaa kusoo gabagaboobay jawi qurxoon iyadoo ardeydu ay gudbiyeen muuqaalka wanaagsan iyo wajiga iijaabiga ah ee uu dalku leeyahay kaas oo ay aad ugu riyaaqeen dhammaan dadkii usoo daawasho tagay bandhig dhaqameedkaas.

IMG_2597 IMG_2600 IMG_3225 IMG_3314 IMG_3337 IMG_3340 IMG_3428 IMG_3564 IMG_3684IMG_3471

Nuur Holac

Irbid/Jordan

Nurholac@gmail.com

 

Adeega Warhaye

WAR-HAYE

Advertisement

Dahabshil