dhaqanka iyo hidaha Maqaalo Qormooyin Warar

Beerlula, Baafisaa Badashay!!!

Soomaalidu waxay laheyd dhaqan iyo hidde u gooniya oo ay qeyb kaga soocneyd bulshada kalee uunka kunool qaarna kala sinneyd.

Dhaqanka Soomaalidu inta badan gobollada iyo sida loo kala dago ayaa qeyb lagu kala duwanaa badise waa laga sinnaa sida: Magta iyo Martiqaadka.

Dhaqamada iyo hiddaha ab-lagasoo gaarka ah ee Soomaalidu laheyd kuna faani jirtey waxaa kamid ahaa Qiimaha dumarku lahaa oo 18-ka gobol ee Soomaaliya iyo dhammaan deegaannada Soomaalidu dagto sida Jabuuti,Ethopia iyo Kenya ay si isku mida dumarku u ahaayeen kuwa aan la goyn Karin oo Dahabka madow qiimaha wax-dheer, ninkii inta guur damco xodxodasho doon ahna maanka galin jiray maxaa xoolo mooro kuugu jira, geelaaguse gabar makuu gooyaa?.

Ninka ragga ihi marka iilka lagu hubsado waxaa la dhiibaa 100-halaad oo geel ah, gabadhuse iyadoo nool ayey reerkeeda xoolaha intaa le’eg usoo xareyn jirtay mararka qaarkoodna qori iyo qurxin ayaa la raacin jirey.

Qiimaha iyo qaddarinta dheer ee dumarku lahaa dhowr buug mooyee dhowr baal ma koobaan, balse intaas aan soo sheegay oo aan danta qoraalka ka leeyahay aan ku dhaafo.

Su’aal baad is weydiin kartaa ah, maxaa dumarka qiimaha intaa le’eg u yeeshay oo iyadoo magtooda 50-halaad tahay Guurkooda rag god galay loola simay?

Haddaba si fudud Dumarkaa ahaa waagaa kuwa leh: Xishood,xaqdhowr,Xilkasnimo,Xalaal miirad iyo astaamo kale oo ka dhigay in ay noqdaan Hablo sarreyn ku sifowday oo rag isku laayo geesina god ugalo.

Beerlula waxay ka xishoon jirtay in codkeeda raggu maqlo sidaa darteed ayuu codkeedu qiime u lahaa!

Beerlula waxay ka xishoon jirtay in jirkeedu rag arko sidaa darteed ayuu arageedu macne u sameynayey!

Beerlula waxay xujeyn jirtay oo hal-xiraaleyn jirtey  ninka u haasaawe taga sidaa darteed bey xodxodashadu u aheyd mid miro-dhasha!

Beerlula waxay laheyd astaaamahaas aan soo sheegay iyo kuwa kaloo badan oo bu’  u ahaa sarreynta heerka ay bulshada Soomaal ka joogtay.

Waa tuu xilli lagu qiyaaso 1920-yadii, qarnigii 20-aad bilowgiisa uu abwaan Yuusuf Maxamed Xirsi oo loo yaqaan Aw yuusuf uu lahaa:

Allow gaarida loo xishiyo, gabadha loo aayo

Raaliyo garaad badan, midaan iga guhaadeynin

Adaan gacanta kuu hoorsadaye, hey gafsiin caawa!

Balse Nasiib Darro Beerlula waxaa badashay Baafisa!!

Hablihii astaamahaa hore lahaa waxaa dadalay kuwa 24-ka saac fadhiya aaladaha bulshadu ku xidhiidho, waxaa badalay kuwa inta muuqaallo iska soo duuba soo galiya meelaha Soomaalida dhaqanka looga doorriyo, waxaa badalay kuwo mararka qaar afkoodu karo in ay soo marsiiyaan wax raggu aanu ku dhicin xitaa in uu u hawoodo.

Waxaa badalay kuwa lumiyay qiimihii gabadha Soomaal ku laheyd Soomaalida dhexdeeda oo idilkood maahee waxay noqdeen kuwa ka weecday hab nololeedkii xishoodka iyo sarriigta ku dhisnaa ee gabdhuhu lahaayeen.

Ceeb iyo lama arkaan bey aheyd gabar inta muuqaal iska soo duubtay sharxeysa astaamaha ninkey rabto…….!!

Bal waayaabe Baafinta maxaa keenay?, intay u kaadiso may aayar kii u yimaadaba ka eegto tilmaamihii Baadida ahaa aaway garashadii Beerlula?

Jabba waa kan dambeeyee waxaa kasii daran markaad aragto, gabar sheekooneysa oo Qiyaame iyo Qarannimo midna ka hadleysee inta Muuqaal duubtay soo dhigeysa meel ummada u dhex ah, kaliyana doonistu tahay in ama ay caan noqoto amaba la arko uun.

Markuu aabbahaa arko adoo inta carrabka Soo bixiyay qosolkaaga duubaya, maku farxayaa? Hooyadaase maxay odhan?

Raggu waa u toog-hayaa ceebta oo hadduu la kufo in uu kakacaa la arkaa gabadhuse waa ka gaddisan tahay oo ceebta waa u nugushahay, maadaama ay sidaa tahayna waa lama huraan in gabadhu leedahay kaadsiino oo ay aad uga fiirsato halka ay cagta dhigeyso.

Inta badan hablaha aan soo sheegay maaha kuwa ku nool Soomaaliya dhexdeeda ee inkastoo suntan lawada cabay haddana kuwa ay waayuhu qurbaha badeen ayaa u badan, ree Yurubba ha hogaansheene.

Kuwa aad ku dayateen iyagaa baadi-goob ugu jira xakameynta dhaqamadaa xun-xun iyo sidii bulshooyinkooda looga wacyi galin lahaa, idinkuna ayaankiine haddaad tacallimaysaan!!

bal aan eegno gabdhaha Soomaalida gaar ahaan kuwa maqaalkani taabanayo siday wax uga bedelaan hab nololeedkooda iyo isticmaalkooda Baraha Bulshadu ku xiriirto.

Mise waxaad odhan doontaan “waano abuur baa ka horreeyay!!!!”

Gacantiina ayey ku jirtaa inaad soo ceshataan qiimihii ay Beerlula ku laheyd bulshada.

FG: Micnuhu maaha in gabdhaha oo idil dhaqan doorsoomeen, kuwii horena wada diric ahaayeen, ee kaliya waa in ay ku baraarugaan hablaha inta ay ka hoos-baxday, oo ay ogaadaan in ay bulsho Soomaali la yiraahdo ay mathalaan, rag iyo dumarna dhaqanka laga ilaaliyo cadawga dahsoon!

Waa hubaal dhaqanku markuu waayo cid ilaalisa in uu hadba sida dabeysha dhinac u socdo , Hiddaheenuna waa hantida kaliya ee Soomaaliya laheyd abid, maantana wuxuu kamid yahay ilaha naafoobay ee haddaan hambada lagu gaarin hirku qaadi doono.

W/Q: Nuur Xuseyn Sheekh Maxamed

Nurholac@gmail.com

 

 

 

Adeega Warhaye

WAR-HAYE

Advertisement

Dahabshil