Published On: 8 May 2012 11:50 am

Kulan looga soo Hor Jeedo Dastuurka Qabya Qoraalka oo Maanta ka dhacay Hotelka Saxafi ee Magaalada Muqdisho.

 

Kulankan Maanta ka dhacay Hotelka Saxafi ee magaalada Muqdisho oo ay ka soo qayb galeen Siyaasiin. Xildhibaano, Culumaa’uddiin iyo wax garad kale ayaa waxaa looga hadlayay Hawlaha Dastuurka qabya qoraaleedka.

 

 

 

Shirka oo iminka ka soconaya gudaha Hoteelkaas ayaa xubnihii ka hadlay waxaa ka mid ahaa Shiikh Axmed Cabdi Dhicisow oo ah guddoomiyaha Majmaca Culumada Soomaaliyeed.

 

 

 

Sheikh Dhicisoow ayaa ku tilmaamay Dastuurkaas mid si weyn uga soo hor jeeda Caqiidada iyo dhaqanka Soomaaliyeed isla markaana ku ah shacabka Soomaaliyeed mid dulmi ah oo ayan qaadan Karin.

 

 

 

Guddoomiyaha ayaa intaa ku daray in Dasturku u si weyn uga soo hor jeedo Shareecada Islaamka isla markaana aysan waajib ahayn in laga dhaqan geliyo Soomaaliya isagoona ugu baaqay xubnihii halkaa isugu yimid in ay ka soo wada hor jeestaan oo ka dagaalamaan waa siduu hadalka u dhigaye.

 

 

 

Sheikh Axmed Dhicisow ayaa ugu baaqay Odoyaasha iminka loo diyaarinayo ansixinta Dastuurkaas inay ka digtoonaadaan dhibaato ay u hor seedaan Ummadda Soomaaliyeed isagoona ku tilmaamay Dasturkan inu yahay mid Ummadda iska hor keenaya.

 

 

 

Shirka oo weli ka soconayaa Hoteelkaas ayaa xubnihii goob joogga ka ahaa waxaa ka mid ahaa xildhibaano iyo Siyaasiin u ka mid yahay yuusuf Maxamed Siyaad Indhacadde .

 

 

 

Wixii shirkaas ka soo baxana waxaad kaga bogan doontaan wararkayaga danbe.

 

 


Displaying 1 Comments
Have Your Say
  1. Xuseen cabdi says:

    Asc marka hore dhamaan shaqaalaha radio danan waad ku mahadsantihiin mida xigta dastuurka hadaan wax ka sheega waxaan uga soo horjeedaa xudduudaha soomaaliya kuma caadda taa madaxda maxay uga jawaabayaan madaxda soomaaliya iyagoon difaaceynin waji ay ka leyihiin dowladda ithiopia iyo kenya iga raali ahaada anoo dagdagsan ayaan soo qoray warqaddaan mahadsanidiin

Leave a comment

Warka Subaxnimo

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

Warka Duhurnimo

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

Warka Fiidnimo

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.