Home / Warar / Wararka / Xarakada Shabaab oo Sheegatay in Qarixii Maanta ka Dhacay tiyaatarku ay iyagu ka danbeeyeen.
ti_qarax1

Xarakada Shabaab oo Sheegatay in Qarixii Maanta ka Dhacay tiyaatarku ay iyagu ka danbeeyeen.

Qoraalo ay war baahinta ku baahiyeen Mas’uuliyiinta xarakada Shabaab ayay ku sheegeen In qarixii maanta ka dhacay Golaha Murtida iyo madaalada ee magaalada Muqdisho .

Qoraaladan ay war baahinta ku faafiyeen Xarakada Shabaab ayay ku sheegeen in ay dhaawac ku gaarsiyeen Ra’iisul wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya Cabdiweli Maxamed Cali Gaas isla markaana ay ku dileen tiro Wasiirada Dawladda ah.

Qoraalkan ay ka soo saareen Xarakada Shabaab Qarixii Magaalada Muqdisho ayay ku sheegeen in uu ahaa mid ay qorsheeyeen isla markaana bar tilmaameedkoodii ay la heleen.

Saraakiisha Xarakada Shabaab ayaa intaa ku daray in ay sii wadayaan Falalka ay ku bar tilmaameedsanayaan Xarumaha dawladda iyo waliba Mas’uuliyiinta ka tirsan Dawladda ku meel gaarka Soomaaliya.

Hadalkan ka soo yeeray xarakada Shabaab ayaa imaanaya xilli barqanimadii maanta qarax Is Miidaamin ah oo ay fulisey qof Dumar ah uu ka dhacay gudaha tiyaatarka oo ay ka socotay Munaasibad ay ka soo qayb galeen mas’uuliyiin uu ka mid ahaa Ra’iisul wasaaraha dawladda federaalka Soomaaliya.

Si kastaba qarixii maanta ayaa waxaa ku dhintay Guddoomiyihii Olymbikada Soomaaliyeed Aadan Xaaji Wiish iyo Siciid Munggaabi oo ahaa Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>