Home / WARARKA / Sawiro: Wafdi uu hor kacayo Gudoomiye Najax oo gaaray Degmada Qoryooleey

Sawiro: Wafdi uu hor kacayo Gudoomiye Najax oo gaaray Degmada Qoryooleey

Wararka aynu ka heleyno Degmada Qoryooley ee Gobalka Shabeelha Hoose ayaa sheegaya in halkaasi uu gaaray safar dhulka ah Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hooose Ibraahim Aadan Cali Najax iyo masuuliyin ka tirsan Maaamulka gobolka.

Masuuliyintan ayaa markii ay gaareen degmada Qoryooley waxaa halkaasi ku soo dhaweeyey Maamulka degmada oo uu Hor kacayey Guddoomiyaha degmada Sayid Cali iyo Qeybaha kala Duwan ee Bulshada.
Gudoomiye Najax Oo La hadley Warbaahinta ayaa Socdaalkisa Safarka Ku sheegey inuu Yahay Mid ay ugu kuur galayaan guud ahaan Xaalada Amni ee degmooyinka Gobolka iyo Baaahiyaha ay qabaan Dadka deegaanka, isaggoo sidoo kalena Sheegey inuu Kulmo la qaatey masuuliyinta maamulka Degmada iyo saraakiisha laamaha amniga, waxaana uu kala Hadley siddii amniga degmada Loo dardargelin lahaa, iyaddoo la kaashanayo Shacabka iyo qeybaha kala duwan eee Bulshada.

Ugu dambeyn Ibaaraahim aadan cali Najax Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sidoo kale Waxa uu shegey in Shacabka degmada Qoryooleey iyo qeybaha kala duwan ee bulshada uu kala hadley siddii dhagarta maleeshiyada Alshabaab ay meel uga soo wada Jeestaan, Ka maamul ahaanna ay diyaar ula yihiin waxksta oo ku saabsan horumarinta amniga iyo adeegyada bulshada.

Leave a Reply