Home / Dhageeyso / DAWLADDA FEDERAALKA DERSI HAKA BARATO DIBAD BAXYADII GUGII CARABTA ( FAALLO )

DAWLADDA FEDERAALKA DERSI HAKA BARATO DIBAD BAXYADII GUGII CARABTA ( FAALLO )

Taariikhda Dunida waa mid is daba taala, Dadkuna ay tahay in ay wax ka bartaan soo jireenkeedii iyo dhacdooyinkii kala duwanaa ee soo maray anagoo ugu horeynba Diiradda saarayna Gufaacooyinkii iyo Dabaylihii ku Dhuftay Daadkana ku daray Dawladihiii Carbeed ee loo yiqiin Gugii Carabta.

Dibad baxyadii Gu”ga Carabta Dalalkii ay ka dhaceen aad baa loo Xasuustaa,  Zeynal Caabidiin Bin Cali, Xabiib Burqiiba, Col. Qadaafi,Saddaamkii Ciraaq, Mubaarak, Asadka Siiriya Hoggaamiyihii Yaman Cali Cabdalla iyo Al Bashiirkii Suudaan oo Darraad uun Xilka laga Tuuray.

Dibad baxyadaas ka  dhacay Dalalka Carabta ayaa ahaa mid gallaaftay Hoggaamiyaashii Carbeed ee Dalalkaas Mudada dheer ka soo arriminayay marka laga reebo Asadka Siiriya oo maanta ku sugan Dal bur buray, kala qaybsamay Xaaladdiisana la ogyahay halka ay marayso.

Madaxdii kale ee Dabaysha Gu’gu ku kacday ayaa dhammaantoodaba meesha isaga baxay iyagoo Ihaanaysan ama Dulleysan ka gadaal markii ay Ruxeen Muddaaharaadyo aan loo kal harin ee Shucuubta Dalalkaas ay wacad ku mareen inaysan joojinayn Mudaaharaadyadaas Illaa Hoggaamiyayaashaas meesha ka baxaan.

Dersiga laga baran karo Dibad baxyadaas ayaa ah in Shacabku uu yahay Dawlad awood leh ee wixii ay ku kacaan horay u salfanaya, waxaana Tusaale u soo qaadanayaa Dibad bixii u danbeeyay ee galaaftay Madaxweynihii Suudaan soo Xukumayay mudada Soddonka Sana ah Cumar Xasan Al Bashiir ayaa ku bilowday Sicirka Rootiga oo kor u kacay Xukuumadduna ay awoodi weeyday in ay wax ka qabato taasoo ugu danbayna keentay in Mudaaharadaayaashii ay ku adkaystaan in aysan gor gortan ka galayn doonistooda oo ahayd in Xukuumaddu meesha ka baxdo inta ka horreysana aysan joojinayn Banaan baxyada ay Xukuumadda uga soo hor jeedaan taasoo ugu danbayntiina soo de dejisay in Al Bashiir uu ka Dego Xilka.

Dhacdadaas Gu’gii Carabta waxaan u soo qaadanay inuu noqdo Tusaale ay wax kaga bartaan ama dersi ay ku Cibra qaataan Dalalka kale ee suurta galka ay tahay in Dabaylahaasi ku soo ballaartaan gaar ahaan Soomaaliya.

Dibad baxyadii iyo Fowdadii Shalay gil gishay qaybo magaalada Muqdisho ka mid ah  ayaa sababihii  keenay caad naga saarnayn kuwaasoo haddii ay soo noq noqdaan keeni bur bur dhaqaale iyo mid siyaasadeedba xilli haatan dib uga soo kabasho lagu jiro Haarihii Colaadeed ee Dalkan wiiqay.

Si kastaba Askeriga Soomaaliyeed ma aha Bur Buriyaha Bulshada  waase bar baariyaha Bulshada, waxaana looga baahan yahay in mar walba Shacabka ay u muujiyaan  in ay yihiin Difaacayaashoodii, Daryeelayaashoodii iyo Diricyadii ay ku diirsanayeen bedelkeeda in Askarta loo arko in ay yihiin Cadow Shacabka si macna darra ah u laaya.

Sidoo kale Shacabka dhankooda waxaa looga baahan yahay in ay muujiyaan Dabacsanaan iyo u hoggaansamid wixii awaamiir ah ee la siiyo si looga baaqsado isku dhac iyo Khilaaf iyo kalsooni darro soo kala dhex gasha Bulshada iyo Askarta.

Ugu danbayna Taliyayaasha Ciidamada Sugaya Ammaanka Magaalada waxaa waajib ku ah in wacyi gelin badan ay siiyaaan Askarta loona sheego in ay baajiyaan si walboo ay tahay Dhiig Muwaadin Soomaaliyeed oo Macna darro loo daadiyo.

 

Halkan Hoose Ka Dhageyso:-

 

Leave a Reply