Home / WARARKA / Masuul ay Maamulka Jubbaland sheegeen inay xilkii ka qaadeen oo qaadacay

Masuul ay Maamulka Jubbaland sheegeen inay xilkii ka qaadeen oo qaadacay

Xilli shalay uu Hogaamiye ku xigeenka koowaad ee Maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan uu sheegay in la soo afjaray khilaafkii ka dhex jiray Maamulka degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa wareegto dib loogu magacaabayo Gudoomiyaha degmadaasi ay ka soo baxday Xafiiska Hogaamiye ku xigeenka waxaana Gdoomiyaha degmadaasi loo magacaabay Cabdullaahi Nuur Xasan cadoow oo horay u ahaa Gudoomiyihii Degmada Baardheere.

Waxaana Gudoomiye ku xigeen Degmada loo macaabay Ismaaciil sheekh Qorax koofi oo horay asna u ahaa Gudoomiye ku xigeenka Degmadaasi, Gudoomiye ku xigeenkii hore ee degmadaasi Ismaaciil sheekh Qorax koofi oo loo magacaabay Gudoomiye ku xigeenka ayaa ka hor yimid wareegtada ka soo baxday Xafiiska Hogaamiye ku xigeenka Maamulka Jubbaland asagoona sheegay inuu yahay Madaxweynaha Xaqqa ah waxa uuna ku eedeeyay Hogaamiye ku xigeenka Maamulka Jubbaland inuu dhibaato ka hurinaayo degmada wixii halkaasi ka dhaca oo dhibaato ah uu asaga masuuliyadeeda qaadi doono.

Halkan ka dhageyso Codka Ismaaciil Sheekh Qoarx koofi

Leave a Reply