Home / WARARKA / Dhageyso:-Senator Xuseen “Muhiim ma ahan in hal Munaasabad loo wada qabto Labada Aqal “

Dhageyso:-Senator Xuseen “Muhiim ma ahan in hal Munaasabad loo wada qabto Labada Aqal “

Senator Xuseen Sheekh Maxamuud oo ka mid ah Xubanaha Aqalka Sare ee Dalka oo Wareysi gaar ah siiyay Idaacadda Danan ee Magaalada Muqdisho,ayaa faah faahin ka bixiyay Sababta ay kaga qeyb gali wayeen Furitaanka Kal-fadhigga Afaraad ee Golaha Shacabka oo Qorshaha uu ahaa in si wada jir ah loo furo labada Aqal ee Dalka.

Senator Xuseen ayaa ka dhawaajiyay in Arrimo farsamo Awgeed ay kaga qeyb gali wayeen Munaasanadii lagu qabtay Magaalada Muqdisho ,laakin aysan Muhiim aheeyn in hal mar la qabto hal Munaasabad oo lagu wada Daah furayo labada Aqal ee Dowladda.

Dhanka kale Senator -ka ayaa la weydiyay Su’aal aheyd in ay la safan yihiin Madaxda Maamul Goboleedyada,isla mar ahaantana Xildhibaanada Aqalka Sare ay tageer san yihiin Go,aankii ka soo baxay Maamul Goboleedyada,ayaa waxa uu Arintaasi kaga Jawaabay Senotar Xuseen in aysan waxba ka jirin,laakin ay mudan yihiin in la tex geliyo madax Maamul Goboleedyada,maamda Dalka uu ku shaqeeyo Nimaad Federaal ah sida uu hadalka u dhigay.

Hoos ka Dhageyso Wareysiga oo Dhameeystiran

Riix Halkan