Home / WARARKA / Dhageyso:-C/Risaaq Cumar “DFS qaabka ay u wajahday Sugida Amniga Caasimada ma ahan mid Wanaagsan “

Dhageyso:-C/Risaaq Cumar “DFS qaabka ay u wajahday Sugida Amniga Caasimada ma ahan mid Wanaagsan “

Muqdisho DananFM:-Wasiirkii hore ee Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/Risaaq Cumar Maxamed,oo Wareysi gaar ah siiyay Idacaadda Danan ee Magaalada Muqdisho,ayaa waxa uu ka hadlay Qoraal dhawaan lagu daabacay Webset-ka Fuuriyaan Boolinzi,kaa oo lagu sheegay kadib markii uu Webset-ka uu wareestay Sarkaal ka tirsan Ciidamada AMISOM,isla markaasna Sarkaalkaasi uu sheegay in Ciidamada Dowladda Soomaaliya aan marnaba laga sugeeynin in ay Sugaan Amniga Dalka Soomaaliya,taasina aan Rajo laga qabin,ayaa Wasiirkii hore ee Amniga hadalka ka soo baxay Sarkaalkaasi AMSIOM ka tirsan ku sheegay in uu yahay mid qaldan.

Wasiirkii hore Amniga Soomaaliya oo hadalkiisa siiwata ayaa hoosta ka xariiqay in Ciidamada AMISOM,ay Dalka jogaan mudo ka badan 10 Sano,isla markaana waxyaabo qaar ay qabteen,kuwana wali ay wadaan,laakin waxa uu Carabka ku dhuftay Wasiirkii hore ee Amniga warka lagu qoray Websetka Fooriyaan Boolinzi in uu ahaa Aragti shaqsiyadeed,laakin uusan aheyn Xaqiiq jirta sida uu hadalka u dhiga.

Dhanka kale Wasiirkii hore ee Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/Risaaq Cumar Maxamed ,ayaa shaaca ka qaaday in Dowladda Soomaaliya ay ku fashilantay qorshaha ay u wajaheyso Sugida Amniga Caasimada,iyo midka Dalka oo dhan,,waxa uuna tibaaxay in Ciidamada hadda lagu Wareejiyay Amniga Caasimada, isla markaana badalay kuwii Xaslinta aysan awood u laheyn Sugida Caasimada Dalka,waxa uuna ugu baaqay Dowladda Soomaaliya in marnaba aysan Amniga Dalka ay ku haleynin AMISOM oo kaliya.

Hoos ka Dhageyso Wareysiga Wasiirkii hore ee Amniga C/Risaaq Cumar Maxamed
Riix Halkan