Home / WARARKA / Dhageyso:-Al-shabaab oo la beeniyay in Weerar ay ka geysteen Degmada Hiliwaa ee G/Banaadir

Dhageyso:-Al-shabaab oo la beeniyay in Weerar ay ka geysteen Degmada Hiliwaa ee G/Banaadir

Muqdisho DananFM:-Xili Warbaahinta qaar ee ka Howlgal Magaalada Muqdisho,ay baahiyeen Warar sheegayay in Dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab ay Weerar Khasaaro geystay ay ku qadeen Bar Koontorool oo ay Ciidamada Dowladda ay ku lee yihiin Degmada Hiliwaa ee Gobolka Banaadir,ayaa waxa arintaasi si Kulul ugu hadlay Maamulka Degmadaasi.

Guddoomiyaha Degmada Hiliwaa C/Kariin Cumar oo Wareysi gaar ah Siiyay Idaacadda Danan ee Magaalada Muqdisho,ayaa sheegaya in wax kama jiraan ay tahay wararka sheegaya in Al-shabaab ay Weerar ka geysteen qeyb ka mid ah Degmada Hiliwaa,waxa uuna tilmaamay in wax Dagaal uusan dhawanahaan ka dhicin Degmada Hiliwaa,isla markaana Ammaanka Degmada uu yahay mid laisku haleen karo.

Dhanka kale Guddoomiye C/Kariin Cumar oo hadalkiisa siiwata ayaa Warbaahinta Danan ku Amaanay sida ay markasto ay Bulshada u baahiso Wararka lagu kalsoonaan karo,isla markaana baaritaano dheeraad ah ay ku sameeysay,waxa uuna Guddoomiyaha Degmada Hiliwaa ugu baaqay Warbaahinta in mar walbo ay ka shaqeyso hormarka Dalka,isla markaana ay iska yareyaan dhibaatooyinka had iyo jeer ay u tabiyaan Bulshada Soomaaliyeed.

Hoos ka Dhageyso Wareysiga Guddoomiyaha Degmada Hiliwaa oo dhameystiran

Riix Halkan