Home / WARARKA / Dhageyso:- Mucjiso Yaab Leh oo Lagu Arkay Magaalada Muqdisho

Dhageyso:- Mucjiso Yaab Leh oo Lagu Arkay Magaalada Muqdisho

Waxaa Arin mucjiso laga soo sheegay Degmada Wada-jir ee Gobolka Banaadir, iyadoo dadka deegaanka ay aad ula yaabeen Markii ay Arkeen Mucjiso ka dhacday Xaafad ku taalo Dhabarka Dambe ee Isbitaal Madiino.

Arintan Mucjisada ah ayaa la sheegayaa in ay tahay Boorso ay ku jireen dhar oo sababtay in uu gubto Guri ku yaalay dhabarka dambe ee Isbitaal Madiino, waxaana boorsada ku jiray Dhar Caruur iyo Dhar waaweyn, iyadoo Markii hore Mucjisadan ay ku bilaabatay Boorsada oo ay dhar ku jireen, islamarkaana tiilay guri, kadibna Markii uu waaga baryay lagu arkay iyada oo banaanka taala dharkiina laga daadiyay, waxeyna noqotay Arin yaab ku noqotay dadkii lahaa Weyna soo Aruursadeen dharkoodii boorsadana waa ay soo xareeysteen, haddana Maalintii Labaad ayaa Boorsadii dharka ku jiray la Arkay iyadoo Saqafka sare ee guriga saaran Dharkiina uu ka daadsan yahay,dadkii deganaa Guriga ayaa aad u la yaabay Mucjisada soo laabatay, kadib waxa ay tijaabiyeen in boorsada dharka ku jiray lakala saaro oo waxaa ku jiray dhar caruur iyo dhar waaweyn, waxaana laga saaray dharkii caruurta, Maalintii Saddexaad ayaa Boorsadii dab ka kacay keentayna inuu Gubto Gurigii ay tiilay Boorsada.

Arintan ayaa waxaa Idaacadda Danan ay ka wareeysatay Mid kamid Dadka Deegaanka, islamarkaana Qaraabo la ahaa Reerka La kulmay Mucjisadan Lagu arkay Xaafad ku taalo Dhabarka Dambe ee Isbitaal madiino Degmada Wada-jir ee Gobolka Banaadir.

Hoos ka Dhageyso

Riix Halkan