Home / Warar / Wararka / Idaacadda Danan oo Maanta u Dabbaal Degtay Sanad Guuradeedii Sedaxaad ee ka soo Wareegtay Markii Dhidibada loo Taagay
3

Idaacadda Danan oo Maanta u Dabbaal Degtay Sanad Guuradeedii Sedaxaad ee ka soo Wareegtay Markii Dhidibada loo Taagay

Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay laguna Maamuusayay Sanad Guuradii Seddaxaad ee ka soo wareegtay Aasaaskii Idaacadda Danan ayaa maanta ka dhacday Xarunta Idaacaddaasi ee magaalada Muqdisho. Munaasibaddan Xuska Seddax Guurada Idaacadda ayaa waxaa ka hadlay Siyaasiin, Nabadoono, Cuqaal waxgarad iyo qaybaha kale ee Bulshada Soomaaliyeed kuwaasoo arigtooda ku cabirayay Sadaxdii Sano ee Idaacaddu ay shaqayneysey.

 

Xildhibaan Shiikh Aadan Madoobe Guddoomiyihii  ee Barlamanka Federaalka Soomaaliya oo ka mid ahaa Mas’uuliyiintii ka hadlay Munaasibadda Sanad uurada Sedaxaad ee Idaacadda Danan ayaa ku sheegey in Idaacaddaasu ay tahay mid dhex dhexaad ah isla markaana ku shaqaysa  habka Anshaxa saxaafadeed.Xildhibaanka ayaa amaanay Iadaacadda danan isagoona sheegey in ay ka mid tahay Idaacadaha  ugu macquulsan ee maanta ka jira Magaalada Muqdisho.Shiikh Aadan Madoobe ayaa qiray in Idaacadda danan ay tahay Idaacad dhex dhexaad ah isagoona hambalyo iyo bogaadin u diray dhamaanba Shaqaalaha Idaacadda.

 

Garyaqaan Dr Cabdinuur oo ka mid ahaa mas’uuliyiintii Munaasibaddaas ka hadshay ayaa isaguna u hambalyeeyay Idaacadda Danan oo uu sheegey in ay tahay Idaacad u taagan  u shaqaynta Bulshada Soomaaliyeed. Garyaqaanka ayaa hoosta ka xarriiqay mudadii ay jirtay Idaacaddaasu in Bulshada Soomaaliyeed ay u soo ban dhigtay Barnaamijyo waxtar leh isagoona ku amaanay doorka ay kaga jirto horumarinta Saxaafadda Soomaaliyeed.Qaybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed ayaa iyaguna ka hadlay Munaasibaddaas iyagoona ku amaanay Idaacadda danan doorka ay kaga jirto War Baahinta Soomaaliyeed.

 

Maxamed Xuseen Awliyo Dad weyne oo ah afhayeenka Ahlu Sunna ee Yurub oo ka mid ahaa Mas’uuliyiintii Hambalayada u soo dirtay Idaacadda Danan ayaa sheegey in Idaacaddaasu ay tahay mid dhex dhexaad ah isagoona si gaar ah Xusuustiisa ugu Dhejiyay Doorkii Idaacadda Danan ay ku lahayd Barnaamijkii Badda Soomaaliyeed iyo soo bandhigiddiisii.Awliyo dadweyne ayaa hambalyo u diray dhamaanba Maamulka Shaqaalaha iyo wariyaasha Idaacadaas ka hawl gala isagoona u rajeeyay in sanadkan sanadkiisas ay ku gaaraan Bashbash iyo Baraare.

 

Guddoomiyaha Odayasha Dhaqanka Beelaha Direed Macalin Barre oo ka mid ahaa Mas’uuliyiintii sida tooska ah uga qayb gashay munaasibaddaas ayaa hanbalyo u diray  maamulka Idaacadda Danan iyo Shaqaalahooda isagoona sheegey in Danan ay soo martay marxalado kala duwan isagoona u rajeeyay Shaqaalaha War baahintaas ka hawl gala Guul.

 

Agaasimaha Guud ee Shirkadda  Warbaahinta Danan Maxamed Barre Xaaji Fiyoore  oo iminka ku sugan Magaalada Londdon ee Carriga Ingiriiska oo ka mid ahaa Mas;uuliyiintii ka hadshay Munaasibadda 7da Maarso ayaa sheegey in Idaacaddu Duruufo badan ay soo martay isla markaana Mustaqbalka ay rajeynayaan in Maqalkeeda ay gaarsiyaan qaybo badan oo dalka iyo dibaddiisaba ah.

 

Fiyoore ayaa dhiniciisa  Hawada u soo mariyey hambalyo  shaqaalaha ka hawl gala Hay’adda danan isagoona shacabka Soomaaliyeed u balan qaaday in dadaalkoodii hore ay sii laba jibbaari doonaan isla markaana doorka kaga aadan horumarinta Saxaafadda Soomaaliyeed ay safka hore ka geli doonaan.

 

Isku soo duuboo Danan Radiyo ayaa  maanta Sedax Sano jirsaday iyadoona muddooyinkii uu  shaqaynayay ay la soo gudboonaadeen Duurofo kala duwan isla markaana Umadda Soomaaliyeed la qaybsaday dhibaatooyinkii Dagaaladii ka dhacayay Magaalada Muqdisho taasoo qaybo ka mid ah Idaacaddu ay saameeyeen dagaaladaas

 

 

 

One comment

  1. hambalyo radiodanan.net iyo shaqaalaheeda hambalyo ayan idin dhahaya

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>