dhaqanka iyo hidaha Qormooyin Warar Wararka

Waxkabaro taariikhda fanaanada qaran Maryan Mursal Ciise

Fanaanada Soomaaliyeed Magaceeda oo buuxa waa Maryan Mursal Ciise Bootaan waxey ku dhalatay magaalada Gaalkacyo ee Gobalka Mudug sanadkii 1950-kii Maryan lix sano kadib waxey usoo wareegen iyada iyo qooyskeeda caasimada Somalia ee Muqdisho waxeyna eheed gabar aad u jecel fanka iyo hidaha somaalia taas oo ku kaliftay Maryan in ay durbaba bilowdo dhageysiga heesaha iyadoo kadibna isku dayi jirtay in ay heesta kadaba qaado hadba fanaanka ay markaas dhegeysaneyso waxeyna si fudud ku noqotay fanaaad soo koreysa.
Maryan Mursal waxey fanka bilowday eyadoo 14-jir ah waxeyna ka heesi jirtay baararka iyo meelaha leyskugu yimaado laakiin waxey ogaatay in ay fanaanad dhameys tiran tahay markii ay ku biirtay Radio Muqdisho 1965-kii imtixaan laga qaadana ay Numbarka koobaad ku soo baxday heestii ugu horeysay ay qaado tartankana uga qeyb gashay waxaa lagu magacaabaa (Indha caashaq) waxeyna sidaas uga mid noqotay fanaaniintii qaranka somaalia.

Ka sokow inay tahay Haweeney awood badan leh Fanaanada Maryan Mursal ciise waxaa lagu tiriyaa in ay kamid tahay fanaaniinta Somalia kuwa ugu wanaagsan heesaha ay qaadana waxey iskugu jiraan jaceyl, wadani iyo kuwa hadlaaya dhaqanka suuban ee Soomaaliyeed waxaana kamid ah heesaha Maryan ( Beri hore waxaa jiray, Buur baa kugu gudbane, Allow nabad Hoo gacanta iyo kuwa kale oo aan halkaan lagu soo koobi karin) Maryan waxey aheyd qof ku wanagsan meel weliba ha noqoto dhanka heesaha ama dhanka jilitaanka, rawaayadihii Maryan ay ka qeyb ka qaadatay sida aadkana loogu xusuusto waxaa kamid ah Shabeel naagood, Kaaraa bidhaan iyo kuwa kale,

Dabeecad ahaan fanaanadda Maryan waxaa lagu tilmaamaa in ay tahay qof aad u dabacsan sheeko iyo farxad badan runta aan ka xishoon Soomaalinimada aad u jecel waxeyna bur burkii somalia 1991-kii wixii ka dambeeyay ay ku nooleed qurbaha gaar ahaan dalalka kala ah Denmark iyo UK ama England weli fanka wey ku guda jirtaa Maryan laakiin waxey ka dhawaajisay in ay ka fadhiisaneyso waqti dhaw fanka.

Labiska iyo qaab ahaan ayay Maamo  Maryan Mursal u labisataa qaabka dhaqanka iyo hidaha iyadoo caan ku ah Dhaqan jaceylka waxeyna sidoo kale xerataa African Dress oo ah dhar aduunka ka ah mid qiimo leh kana mid ah dharka ay Soomaalida caanka ku tahay , Maryan Mursal ayaa waxuu fankeedu yahay mid aan ku koobneyn Soomaalida oo kaliya balse waxey ka qeybgashay Concert yo badan ama bandhig faneedyo kala duwan iyadoo halkaasina ka heestay kagana tumatay durbaanka iyo heesaha aynu hidaha u leenahay.

Maryan Mursal Ciise waxey dalka Booqato dhowr jeer dhawaanahaan iyadoo booqasho ku kala baxisay Magaalooyinka Muqdisho, Hargeysa iyo waliba Deegaanada Puntland, waxeyna dadaalo u gashay inay dhisto Iskuulaad lagu taageerayo caruurta Soomaaliyeed balse waxaa is hortaagay sida la sheegay Dad kasoo jeeda deegaanadaas oo aan dooneyn horumarinta dalka iyo dadka.

Adeega Warhaye

WAR-HAYE

Advertisement

Dahabshil