Home / CIYAARAHA / David Alaba Oo Dhaawac Ku Seegaya Kulanka Kooxdiisa Ay Wajahayso Real Madrid

David Alaba Oo Dhaawac Ku Seegaya Kulanka Kooxdiisa Ay Wajahayso Real Madrid

Kooxda Bayern Munich waxa ay weyn kartaa adeegooda biddix David Alaba kulanka habeen dambe ee  Real Madrid.

Laacibka Austria ayaa la sheegay in uu kulankaas ku seegi doono sababo dhaawac xilli Bavarians ay lugta hore ee afar dhamamadka Champions League soo dhaweeneyso kooxda reer Spain ee Los Blancos.

laacibkan biddix, dhawrkii tababar ee maalmihii la so dhaafay si caadi ah ayuu u sameenayey laakiin maanta oo talaado ah ayuu dareemay inuu taam ahayn.

Kaligiisa ayuu tababar ku sameeyay qolka jir dhiska ee loo yaqaano GMY-ka, waxaana jira dadaalo la’isugu dayayo in uu taam u ahaado kulanka berri.

Haddii ay dhacdo in uusan dheelin, waxaa lagu wadaa in uu booskiisa buuxiyo Rafinha.

Waxaa Bayern Munich dhaawac uga wada maqan  Alaba, Manuel Neuer, Arturo Vidal iyo  Kingsley Coman.