Radio Danan Network

Shan Boqol iyo Afartan Neef oo Lo’ ah oo Xalay Ka dhoofay Dekadda Muqdisho
Dekadda Caalamiga ee Magaalada Muqdisho ayaa ka mid ahayd meelaha ay ka dhoofaan Xoolaha Nool oo loo iib geyn jiray Dalalka Khaliijka, taasoo meesha ka baxday markii ay nur burtay Xukuumaddii Dhexe ee Soomaaliya.

Bur Burkii Xukuumaddii Milateriga kaddib waxaa jiray Dekado macmal ah oo Xoolaha Soomaalida ay ka dhofaan taasoo si weyn hoos u dhac ugu yimid ka gadaal markii wadamo ka tirsan Khaliijka ay joojiyeen dhoofkii Xoolaha Soomaalida uga iman jiray.

Haddaba labaatan Sano kaddib ayaa markii u horeeyay waxaa laga dhoofiyay in ka badan Shan Boqol oo Neef oo Lo’ ah taasoo ku sii jeedda Dalka Camaan.

Lo’dan ka dhooftay Magaalada Muqdisho ayaa muddo Afartan casha ah waxa ay ku jirtay Maxjar ku yaala duleedka magaalada Muqdisho halkaas oo caafimaadkeeda lagu baarayay.

Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Ganacsiga eeDawladda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Shiikh Ismaaciil oo war baahinta la hadlay ayaa xaqiijiyay in xoolahaas ay ka dhoofeen Dekadda caalamiga ee Magaalada Muqdisho.

Wasiirka ayaa oo hadalkiisa sii wata ayaa hoosta ka xarriiqay in Dawladda ay ballan qaadayso Caymiska Xoolahaas iyo waliba suuq geyntooda si dib loogu soo celiyo Xoolihii Soomaalidu ay dhoofin jirtay.

Cabdulqaadir Shiikh Ismaaciil ayaa intaa ku daray in Xoolaha ka dhoofaya Soomaaliya ay yihiin kuwo la isku haleyn karo Caafimaad ahaantooda ka hor inta aan la dhoofina ay mari doonaan maxjaro dalka ka jira.

Xoolahan laga Dhoofiyay Dekadda Caalamiga ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay Albaabada u Fureysaa mar kale Ganacsigii Xoolaha Soomaalida oo muddooyinkii danbe ahaa si weyn hoos ugu dhacday

Af Hayeenka Ciidamada Raas Kaambooniyiinta oo ka Hadlay Xaaladda Magaalada Kismaayo
Af Hayeenka maamulka ku meel gaarka Kismaayo Seeraar oo waraysi siiyay qaybaha war baahinta ayaa sheegay in magaaladu ay xasilan tahay isla markaana wararka la buun buuninayo aysan ahayn kuwo sal iyo raad leh.

Af hayeenka ayaa ku sheegay isku dhicii halkaa ka dhacay mid u dhaxeeyay Ciidamo ka wada tirsan kuiwa Maamulka hase yeeshee sawir kale loo yeelay waa siduu hadalka u dhigaye isagoona sii tilmaamay in laga dhigay dagaal u dhaxeeya laba Beelood.

Seeraarr oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa raaciyay in arrintaasi haatan laga gudbay wax saameyn ah oo hawlihii maamulkooda ay ku reebtayna aysan jirin waa siduu hadalka u dhigaye.

Af hayeenka maamulka ku meel gaarka ee Gobolka Jubada hoose ayaa dhinaca kale ka hadlay Shir weynihii maamul u sameynta Gobolada Jubbooyinka isagoona hoosta ka xarriiqay in shirkii si rasmi ah uu magaalada kismaayo uga Furmi doono Maalinta Berri ah.

Cabdinaasir Seeraar Af hayeenka ayaa ka hadlay xaaladda ammaanka ee magaalada Kismaayo wuxuuna sheegay in ay tahay mid sugan oo la isku haleyn karo isla markaana ay Ciidanku gacanta ku hayaan ammaanka Magaalada.

Cabdinaasir seeraar af hayeenka maamulka ku meel Gaarka Gobolada Jubbooyinka ayaa xusay in iminka magaalada ay ku sugan yihiin qaar ka mid ah Ergadii shirka ka qayb geli lahayd isla markaana maanta la sugayo in qaar kale ay soo gaaraan Magaalada kismaayo kuwaasoo ka qayb galaya Shirweynaha maamul u sameynta Gobolada gedo iyo Jubbooyinka.

Mareykanka Ma Ukun Baa Turkiguna Ma Xadiid Baa?
“War maxaa loo yiri Ku meel Gaarkii baan ka baxney,Beerka Caaro Idiin Goysey “Qayladaan waxay ka soo yeertey Nin Odey ah oo aan si wanaagsan isku naqaan da’diisana aan ku qiyaasey 70 Sanno” markaas baan ku irir” Adeer maanta war waa weyn baa kaa baxaya ee Sidee wax u jiraan ” Inta ii soo dhawaadey oo uu soo jiitey Kursi ayuu yiri” Adeer aad baan kuugu baahnaa” markaas baan iri” Soo dhawow “waxaan u raaciyey ‘ Adeer Koob Kafee ah ku Dhufo” si Kal iyo Laab ah ayuu iiga Gudoomey,,waxaana Weydiiyey “Adeer maxaa ka wadaa oo aad u tiri” War maxaa loo yiri Ku meel Gaarkii waan ka baxney “inta si hoose iigu soo dhawaaadey ayuu yiri “Hadde Maalmahaan waad maqleysey” In Madaxdii sare ee Dowlada in Saraakiil Darajadooda hooseysa in ay Garoonka Diyaaradaha ay ku qaabilayeen ” markaas baan iri ” Adeer maxaa ka Macno ah haddii Garoonka Diyaaradaha wax ku qaabilaan” Odeygii inta Xanaaqey buu yiri

“Horta Garoonka Diyaaradaha Ma Madaxtooyaa mise waa Garoon Diyaaradeed ” markaas baan uga Jawaabey ” Haa Waa Garoon Diyaaradeed ‘ Markaasuu yri “In Madaxdii Sare ee Dowlada iyagoo dudaya oo is Garabinaya ay Saraakiil hooseysa ay halkaa ku qaabilaan ma Dow baa “Markaas baan iir haddii Dantooda ku jirto waa tagayaan” Aad buu ii kuurey oo i yri” markii uu imaanayey Raiisul Wasaaraha Turkiga ee uu tagayey Madaxtooyada iyadoo Xaalada intaan ka xun tahay , waxay ahayd Fariin ku soctey Madaxdeenna Ujeedkuna waxaa uu ahaa in uu iyaga dhiirageliyo si aysan hoos isugu dhigin oo ay noqdaan kuwa loo baahan yahay marka Casharkaas meel bay iska dhigeen in maanta farta loogu yeero waa mid aanan marnaba ka sugeyn Madaxdeena”waxa uu i weydiiyey Su’aal ahayd ‘ Maxaa loo sameeyey Madaxtooyada oo ah Astaanka Qaran uu leeyahay”waxaan ku iri ” Adeer waa runtaa Madaxtopoyada Waa Astaanka Qaranka waxaana loo Unkey in lagu qaabilo Madaxda Imaaneysa islamarkaana laga Maamulo Wadanka oo dhan” waxaa uu yri ‘ Sidaa baa u garaneysaa ‘

Ninkii odeyga ahaa waxaa uu ii galey Qiso dheer waxaa u yiri “Mareykanka weligii Caddow buu nagu ahaa waagii aan qaadaney Xoriyada oo Qaranka oo Markaas Afar jirsadey ayaa waxaa Dalka uu dagaal la galey Dowladii Itoobiya waa 1964 tii Waagaas Ciidankeena si wanaagsan uma dhisneyn Hubka aad buu ugu yaraa,Janeraal Dauud ayaa waxaauu la kulmey Wafdi ka socdey Dowlada Mareykanka oo Saraakiil u badnaa waxaa ay Dowladii Xiligaas jirtey ay weydiisatey in ay siiso Hub ay isaga dhiciyaan Itoobiya waxaa uu Wafdigii Mareykanka uu si Cad ugu sheegey Dowladaas in aysan Hub sii karin balse ay dhinaca Dibolomaasiyada uu ka Taageerayo,aad bay arrinkaas uga Caroodeen waxay Dowladii Bilowdey in ay la xirato Dowladii Ruushka oo Albaabada u furtey gaar ahaan Dhinaca Hubka , waxaana Ruushka Dowlada ku wargeliyey in ay Xitaa Ciidamo u Tababarayaan , waxaa Dalka ku soo ququley Hub noocyo kala Duwan oo ay ku jiraan Diyaarado Dagaal , markaan Xasuusteyda aan Dib u raaco waxaa uu Mareykanka uu doonayey in Itoobiya ay qabsato Soomaaliya maadaama uu u diidey in ay siiyaan Hub.

Waan gartey Ujeedada Nuxurka Warkaada maxaa ku dareysaa ayaan daba dhigey ninkii Odeyga ahaa “Markii ay Dowladii ay Burburtey 1991 dii ayuu Mareykanka soo rogaal celiyey isagoo ku Marmarsiiyoonaya in uu Gacan siinayo Dadkii Abaaraha hase yeeshee qorshahaasi waa uu buburey Mareykankii Har Cad buu ka cararey Wadankii , weli ma harin hadana waxaa uu isku dayey in uu Hubeeyo Dhaqaale ku bixiyo Qabqablayaashii Dagaalka iyagana waa la ogaa halkii ay ku dambeeyeen, waxaa Xigey in uu Dabada ka soo riixo Dowladii Itoobiya oo iyana aan lagu soo dhaweyn Ubaxyo , waxay sheekadu socoto waxaa Dhawaan maqley in Mareykanka uu aqoonsadey Dowladii Xasan Shiikh , ma Xuma Xiriirkaas waxaan Aaaminsanahay in Mareykanaka ay weli Lug u laaban tahay waayo hadii uu Dowlada Aqoosadey Maxaa ay Dubolomaasiyiintiisa ay u tagi la’ yihiin Xarunta Madaxtooyada , waxaan soo Xasuustey Waagi la dooranayey Shiikh Shariif ayaa waxaa la taliye uu ka dhigtey

Haweeney Mareykan ah taasoo Muran ka dhex dhalisey siyaasiyiintii la socotey Shiikh Shariif oo qaarkood ku adkeystey in La Talintaan ay Xiligaan u Baahan yihiin yagoo iska dhaadhiciyey Murtidii ahayd “Dantaada Maslo Eey Baa loogu Seexdaa” marka waxaan u maleynayaa in Tagista Madaxda Sare ee Dowlada ee Garoonka Diyaaradaha ay tahay Midaan oo kale hase yeeshee Taa Ma Xuma laakiin waxaa ka weyn Sharafta Qaranka Soomaaliyeed,Marka Madaxdeena weli iyaga ayaa Dhulka isku Jiidayo , Xamiid Karsaayey weligii Garoon Diyaaradeed kuma Qaabilin wafdi ka socda Caalamka waxaa loogu tagaa Xarunta Madaxtooyada , mararka qaarkood waa uu ka gilgishaa Waxyaabaha ay kula kacaan Mareykanka iyo kuwa la socda” inkastoo dadka qaar ay leeyihiin waxba kuma Jabna in ay Madaxda Dowlada tagaan Garoonka Diyaaradaha oo ay halkaa ku qaabilaan wafdi ka socda Calaamka , balse inta badan Bulshada si aad ah ayey uga soo horjeedaan waayo Madax waaweyn ayaa Soomaaliya yimid Xilli Xaaladu intaan ka Culus tahay..

“Waa yaab Dooraad waxaa yimid Senator Mareykan ah oo la mid Xildhibaan Soomaaliyeed waxaa Garoonka uga tagey Madaxweynihii Soomaaliya halka uu ugu diri lahaa Xildhibaan,waxaa Xigey in Garoonka uu ka soo dego Agaasimaha Hayadda USAID oo la mid marka la fiiriyo waa Darajadiisee Agaasimaha Hayadda SOMAID,markii Madaxweynaha uu qaabiley hadana waxaa Weydaartey Raiisul Wasaarihii Soomaaliya Marka waxaa Cad in Dowlada ay kala socoto Wax Madaxweynaha uu kala hadley oo ka duwan miyuu kala hadlayaa Raiisul Wasaaraha ma garan karo? waa arrin u baahan in si qoto dheer looga hadlo , Hadii Saraakiil sidaa uu Heerkooda u Hooseeyo ay Madaxdeena ku qaabilayaan Garoonka Diyaaradaha waxay arrintu tahay in Dalka uusan nabad ahayn oo aan la isku soo haleyn karin wax ka baxsan Garoonka Diyaaradaha , sidoo kale waxay Ihaano ku tahay Ciidamada Amisom iyo kuwa Dowlada oo noqoneysa in iyana la isku haleyn karin Amaankooda, Soomaalida waxay Tiraahdaa ” Mayd maxaa u Dambeeyey Kaa la sii sido” Maanta waxaa Magaalada Muqdisho dhex Mushaaxaya waa Raiisul Wasaare Ku xigeenkii Turkiga oo Madaxdii Dalka ugu Tagey Madaxtooyada waa Su’aalee Saraakiisha Mareykanka Ma Ukun Garoonka lagu Ilaaliyaa oo jabeysa Haddii Madaxtooyada yimaadaan, Madaxda Turkigana Ma Xadiid aan Jabeyn baa oo Wadooyinka mari kara,Madaxtooyada tegi kara !! isku soo duuduuboo waxay arrintu taagan tahay oo Madaxda Dowladda aan leeyahaya Haddii Dubolmaasi ama Sarkaal Sidaa u Hooseysa ku qaabilaan Garoonka Diyaaradaha ,OBAMA-na Sow ma aha in ay ugu tagaan Markab taagan Xeebaha Badwenta Hindiya Marka Soomaalida waxay Tiraahdaa “Waa baahanahay Bakhtiga Looma Cunno”

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

war saxaafadeed ka soo baxay xafiiska ra isul wasaaraha oo ku aadan dagaal maanta ka dhacay magaalada kismaayo
“Waxaa dhawaan isoo gaartay in dagaal ka dhacay magaalada Kismaayo. Waxaana aad uga xunnahay in dhiig dad walaalo ah oo Somaliyeed si micno darro ah u daato waqti ay dadka magaalada Kismaayo ay sugayeen in ay maamul sameystaan” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Saacid

Ugu horeyn, waxaan ku baaqeynaa in si deg-deg ah loo joojiyo dagaalka. Anagoo ugu baaqayna dhinacyada ku lugta leh inay is xakameeyaa kuna raadiyaan xalka qaab ku dhisan is qancin iyo tanaasul. Waxaan xasuusineynaa shacabka deegaanka in dagaal iyo xoog  uu san ku jirin xalka ummadda.

Waxaa xusid mudan, in dhawaan ay Dawladda Federaalka Soomaliyeed ay u-gudbisay casuumaad guddiyadda qabanqaabada  maamul u sameynta deegaannadaas si ay isugu yimadaan kulan wadatashi ah oo dhacaya 26ka Feebaraayo ilaa 1da Maarso.  Gogoshaas oo loogu talagalay in  looga wada tashado sidii loo dedejin lahaa sidii shacabku maamul u samaysan lahaayeen.

“Waxaan mar labaad  ku baaqayaa in la joojiyo dagaalka ahliga ah ee ay ku wax yeeloobayaan  shacabku, Waxaana dhamaan xasuusinayaa in Soomaaliya ay maanta mareyso marxalad cusub oo  ku salaysan nabad iyo wadatashi, taas oo looga soo gudbay xiligii ku meel gaarka ahaa, ayna hiigsaneyso mustaqbal wanaagsan iyo horumar”.

Ugu dambeyntii, waxaan ilaahay ugu baryaya  wixii dhintay in uu ehaladoodii  samir iyo imaan ka siiyo inta dhawaca gaarayna caafiyo. Waxaana Eebe ka baryayaa in qof danbe oo Soomaaliyeed uusan dagaal aan loo baahneyn ku waxyeeloobin isaga iyo hantidiisuba.

Shirkii Maamul u Sameynta Gobolada Jubbooyinka oo Maanta Dib u Dhac ku Yimid.
Iyadoo Muddooyinkii danbe si weyn loo hadal hayay in Magaalada Kismaayo uu ka furmayo Shirkii maamul u Sameynta Gobolada Gedo iyo Jubbooyinka ayaa maanta waxaa baaqday Shirkaas oo la filayay inuu maanta ka Furmo Magaalada kismaayo.

Saraakiil ka mid ah gudigii qaban qaabada Shirkaas oo Saxaafadda la hadashay ayaa sheegay in shirkaas muddo laba maalmood sababo farsamo aawgood uu dib ugu dhacay lana filayo in maalmaha soo socda uu halkaa dib uga furmo.

Saraakiisha ayaa ku adkaysanaya in shirku qabsoomi doono Laba maalmood kaddib iyadoo ay jiraan dhinacyo fara badan oo shirkaa ka soo hor jeeda.

Wax GaradSiyaasiin iyo Saraakiil ka soo jeeda goboladaas ayaa siyaalo kala duwan uga hadlay Shirka la filayay in uu maanta ka furmo Magaalada Kismaayo iyagoona qaarkood ay raja xumo ka muujiyeen furitaanka Shirkaas oo ay ku tilmaameen inuusan xiligan suurta gal ahayn.

Qaar ka mid ah Dadkii iyaguna ka hadlay shirkaas ayaa dabadaka riixayay habsami u bilaabashadiisa iyagoona ku adkaysanayay in Shirka xiligii loogu tala galay uuFurmayo taasoo ahayd maanta oo ay Bishu tahay 23ka Feberaayo.

Dhinaca kale Wararka naga soo gaaraya magaalada kismaayo ayaa sheegaya in maanta dagaal culus culusi uu halkaa ka dhacay.

Odoyaal iyo wax Garad ka soo jeeda Goboladaas ayaa ugu baaqay dawladda federaalka Soomaaliya in ay soo dhex gasho Dagaalada dib uga bilowdey magaalada kismaayo iyagoo dhinacyada diriritu u dhaxaysana weeydiistay in dagaalka ay joojiyaan.

Si Kastaba magaalada Kismaayo ayaa iminka waxaa ka jira Xiisad aad u kacsan iyadoo weli meelaha qaarna laga maqlayo Rasaas ka dhacaysa.

Ciidamada Dawladda oo Maanta Hawl Galo ka Sameeyay Degmada Af Madow ee Gobolka Jubada Hoose.
Wararka naga soo gaaraya Degmada af madow ee Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in Ciidamada dawladda Maanta ay degmadaasi ka sameeyeen Hawl galo baaritaana ah.

Ciidamada ayaa isku gadaamay guud ahaan degmadaas iyagoona halkaa ka bilaabay hawlo baaritaana ah oo ay ku baadi goobayaan Dagaalyahanada xarakada Shabaab.

Hawl galka maanta ka dhacay degmada af madow ee Gobolka Jubada Hoose ayaa imaanaya xilli habeenkii xalay ahaa Ciidamo ka tirsan Xarakada Shabaab ay weerar ku soo qaadeen Fariisimada Ciidamada dawladda ee degmadaasi.

Dagaalkii xalay ka dhacay degmadaas ayaa waxaa uu sababay Khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira oo soo kala gaaray dhinacyadii dagaalku u dhaxeeyay.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada dawladda oo hawl galkaas kaddib saxaafadda la hadashay ayaa sheegay in hawl galkii maanta ay sameeyeen ay ku soo qab qabteen tiro dad ah kuwaas oo looga shakisan yahay in ay gacan saar la leeyihiin Xarakada Shabaab.

Saraakiisha ayaa xustay in hawl galkan looga jeeday sidii loo sugi lahaa ammaanka degmada oo muddooyinkii danbe ay dagaalo ku soo laab laabnayeen.

Si kastaba Hawl galka ayaa saameeyay Dhaq Dhaqaaqii ganacsiga ee magaalada iyadoo intii ay Ciidanku wadeen hawl galka ay xirmeen goobihii ganacsiga in kastoo mar danbana ay dib u furmeen.

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo Maanta Xukuno Kala Duwan Ridday.
Maxkamadda Gobolka banaadir ayaa maanta u Fariisatay qaadista Dacwado kala duwan oo loo haystay Rag ku Eedeysnaa denbiyo kala duwan.

In ka badan Toban Dacweysaneoo Denbiyo kala duwan ku Eedeysnaa ayaa maanta ka soo muuqday Maxkamadda Gobolka banaadir kuwaasoo ku kala Eedeysnaa Tuuganimo, Kufsi iyo Denbiyo kale taasoo Maxkamaddu ay dhagaystay Eedeymihii loo soo jeedinayay Eedeysanayaashaas iyo caddemihii ay Xeer Ilaalintu ka soo gudbisay.

Gaba gabadii maxkamadda ayaa waxaa saxaafadda la hadlay guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka banaadir Xaashi Cilmi Nuur oo ka war bixiyay Go’aanadii ay gaadhay maxkamadda Gobolka.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in tirada dacweysanayaasha maxkamadda la hor keenay ay gaarayeen Illaa labaatan kuwaasoo denbiyo kala duwan ku Eedeysnaa isagoona hoosta ka xarriiqay in Shan ka mid ah Dcaweysanayaashaas la sii daayay ka gadaal markii si buuxda loogu caddetyn waayay denbigii lagu soo Oogay.

Xaashi Cilmi Nuur oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray in Todoba ka mid ah dacweysanayaaashaasina lagu xukumay Xarig u dhaxeeya Hal Sano illaa Sagaal Sano oo Xarig kuwaasoo lagu cadeeyay Denbiyadii lagu soo Oogay oo isugu jiray Bur cadnimo iyo Kufsi.

Guddoomiyaha ayaa ugu danbayntii sheegaySideed Eedeysane Dacwadoodii dib loo dhigay ka gadaal markii ay maxkamaddu u baahatay Caddeymo dheeraad ah.

Maxkamadda Gobolka banaadir ayaa maanta dhagaysiga dacwaddan ay u fariisatay waxa ay ahayd tii ugu ballaarneed oo muddoyinkan danbe ay u fariisato iyadoo isla maantana Go’aano ka gaadhay.

Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka Xukuumadda Turkiga iyo Wafddi uu Hoggaaminayo oo Maanta Muqdisho soo Gaaray
barqanimadii ayaa maanta ayaa waxaa garoonka Diyaaradaha caalamiga ee magaalada Muqdisho ka soo degay Wafddi Ballaaran oo uu hoggaaminayay Ra’iisul wasaare ku Xigeenka Dalka Turkiga Bekir Bozdag.

Wafdigan ka socday dalka Turkiga ayaa waxaa Magaalada Muqdisho si diiran ugu soo dhaweeyay Ra;iisul Wasaare ku Xigeen ahna Wasiirka arrimaha Dibadda dawladda Federaalka Soomaaliya Marwo Fowsiyo Xaaji Yuusf Aadan.

Labada mas’uul ayaa waxa kulan ay albabaadu u xiran yihiin waxa ay ku yeesheen garoonka diyaaradaha caalamiga ee magaalada Muqdisho iyadoo saxaafaduna ay dibad joog ka ahayd.

Kulanka labada dhinac kaddib ayaa waxa ay si wadajir ah u qabteen labada Mas’uul Shir Jaraa’id oo ay uga war bixinayeen waxyaabihii ay ka hadleen.

Marwo Fowsiyo oo ugu horeyntii halkaa ka hadashay ayaa sheegtay in kualnkii ay la qaateen wafdiga Turkiga uu ahaa mid si weyn la isula soo qaaday kaalmada Xukuumadda turkigu ay u fidinayso Xukuumadda Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa intaa ku dartay in xiriirka labada dal uu yahay mid aad u wanaagsan isla markaana dawladda Turkigu au hore dhowr mashaariic uga fulisay Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka Turkiga Bozdaq oo isaguna halkaa ka hadalay ayaa u mahad celiyay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Marwo Fawsiyo isagoona uga mahad celiyay sidii diiraneed ee isaga iyo wafdigiisa halkaa loogu soo dhaweeyay.

Ra’iisul wasaare ku Xigeenka Turkiga ayaa sheegay in haatan dalka ay u yimaadeen sidii ay xarigga uga jari lahaayeen Mashaariic ay ka hir geliyeen Soomaaliya isla markaana ay u dhagax dhigi laheeyn Mashaariic hor leh oo Magaalada Muqdisho laga hir gelinayo.

Bozdaq ayaa sheegay in wafdigiisu ay ka mid yihiin wasiirka maaliyadda Dalkaas iyagoona Deeqo kala duwan u fidin doona Dawladda Soomaaliya.

Si kasta ha ahaatee Ra;iisul wasaare ku wasaare Turkiga booqashadiisa Somaliya maanta ayaan ahayn tii u horeysey ee uu soomaaliya ku yimaado.

Faah Faahin Dheeraad ah oo ka soo Baxaysa Dagaal Shalay ka Dhacay Degaanka Buulo Gaduud.
Dagaal Xooggan oo Maalinimadii Shalay ka Dhacay degaankaas ayaa inta la ogyahay waxa uu sababay Khasaare soo kala gaaray labadii dhinac ee dirirtu u dhaxaysey. iyo dad Rayid ah oo halkaa ku sugnaa.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada dawladda oo goor sii horeysey hadlay ayaa sheegay in Degaankaa Buulo Gaduud ay ka Difaaceen isku deygii Xarakada Shabaab ee ahaa in ay Xajistaan gacan ku haynta Degaankaas ka gadaal markii Ciidamada dawladda oo Kaashanaya kuwa amisom ay duulaan ku soo qaadeen Degaankaas oo magaalada Kismaayo illaa Soddon Kiilo Mitir u jrta.

Saraakiisha ayaa xaqiijiyay in gebi ahaanba Degaanka Buulo gaduud ay gacantooda ku jirto isla markaana aysan u suurta galeyn Shabaab in mar danbe ay halkaas dib ugu soo laabteen waa sida ay hadalka u dhigeenee.

Dadaka degaanka ayaa sheegay in dagaalkii Shalay ka sokow dhinacyadii dagaalamayay in Dhaawacyo ay ka soo gaareen qaar ka mid ah Dadka rayidka kuwaasooqaarkood Dhaawacyadooda loo qaaday Magaalada Muqdisho.

wararkii u danbeeyay ee naga soo gaaraya degaankaas ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada dawladda iyo kuwa amisom oo maalinimadii shalay la wareegay degaankaas in ay fariisimo ka sameyteen daafaha magaalada.

Si kastaba ma jiaraan wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca Xarakada Shabaab ee Dagaalkaas ku aaddan iyadoo Xaaladda Maanta ee halkaasina ay tahay mid deggan..

Xaaladda Magaalada Gaarisa oo Maanta Deggan ka Gadaal Qarax Xalay Halkaa ka Dhacay dhacay
Magaalada Gaarisa ee Gobolka Waqooyi bari ee Kiinya ayaa Xalay waxaa ka dhacay Qaerax aad u xoog badan.

Qaraxan oo ahaa Nooca Miinada Dhulka lagu aaso ayaa sida lagu soo Waramayo waxaa uu ka Dhacay Barxadda Gaarisa Primary School halka loo yaqaano iyadoo uu ku dhintay sida la Sheegay Ninkii Bumkaas doonayay inuu ku Aaso halkaas.

Saraakiisha Ciidamada Boliiska war bixin ay soo saareen ayay ku sheegeen in kaddib Qaraxa markii ay halkaa gaareen in ay arkeen Meeydka Hal Ruux oo aan la garanayn oo halkaas yaala iyagoona sheegay in iminka ay baarayaan Ninkaas.

Saraakiisha Ammaanka ayaa waxa ay intaa ku dareen in sidoo kale ay ka heleen Goobta qalabka Rimot Kontoroolka loo yaqaano kaasoo waa sida ay warka u dhigeene Ninka Dhintay uu ku doonayay inuu u adeegsado.

Warka ayaa waxaa uu intaa ku daray in Ciidamada ammaanka maanta ay halkaa ka sameynayaan hawl Galo baaritaano dheeri ah iyadoona si gaar ah Soomaalida halkaa ku dhaqan loo baarayo.

Xukuumadda Kiinya ayaa Ciidamadeeda waxa u caada ah Marka qarax sidan oo kale ah uu dhaco in ay qab qabshaal ay ugu dhaqaaqaan Soomaalida deggan halkaas .

Horey ayaa Mas’uuliyiin ka Tirsan Barlamaanka kiinya ay Xukuumadda u weeydiisteen in loo dhibaateyn Soomaalida qaraxyada ka dhaca gudaha Magaalooyinka waa weyn ee Kiinya.

Qaraxan xalay ka Dhacay Degmada Gaarisa ayaa waxa uu wal wal badan ku abuuray Soomaalida halkaa ku dhaqan iyadoo maanta inta badana Ganacsigii Soomaalidu ay ku lahayd Magaalada uu xiran yahay iyagoo ka cabsi qaba hawl galada ay sameynayaan Ciidamada ammanku in saameyn ay ku yeelato.

Si kastaba Dawladda Kiinya ayaa inta badan Qaraxyada ka Dhaca Gudaheeda waxa ay ku Eedeysaa Xarakada Shabaab