Home / WARARKA (page 2334)

WARARKA

Ciidamada Dawladda iyo Kuwa Itoobiyaanka oo Maanta Hawl Dad Lagu soo Qab Qabtay ka Sameeyay Magaalada Baydhabo.

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiyaanka iyo kuwa Soomaalida ee ku sugan Magaalada baydhabo in maanta halkaa ay ka fuliyeen hawl galo baaritaana ah. Ciidamadan ayaa baaritaanadooda ay yimaadeen ka gadaal markii ...

Read More »

Maamul Goboleedka Pont Land oo Canbaareeyay Ku Biiritaankii ay Isku Biireen Shabaab iyo Dagaalyahanada Buuraha Gal Gala.

Af hayeenka Xukuumad Goboleedka Pont Land Axmed Cumar Xirsi oo war baahinta la hadlay ayaa ka waramay isku biiritaankii ay isku Biireen Dhaq Dhaqaaqa Shabaab iyo Mallishiyada Shiikh Aatam. Af hayeenka Pont Land ayaa sheegey in isku biiritaankoodaasi haba yaraatee ...

Read More »

Xarakada Shabaab oo soo Dhaweysey ku soo Biiritaankii Mallishiyada Shiikh Atam ay ku soo Biirtay Ururkooda.

Iyadoo maalinimadii shalay Sarkaal u hadlay Malliishiyada ka Dagaalanta Buuraha Gal Gala uu sheegey in ay la midoobeen Xarakada Shabaab ayaa markii u horreeyay waxaa arrintaa ka hadlay af hayeenka Xarakada Shabaab Shiikh Cali Dheere. Af hayeenka XarakadaShabaab ayaa arrintaa ...

Read More »

Xukuumadda Kiinya oo Sheegtay in wax wada hadal ah aysan la Galayn Xarakada Shabaab.

Af Hayeenka Xukuumadda Kiinya Saris Akuna  ayaa ka hadlay dadaalada Ciidamadooda ay ka wadaan gudaha Soomaaliya. Af hayeenka oo la hadlay war baahinta Dalkaas Kiinya ayaa sheegey in Dawladda Kiinya Ciidamadeeda marnaba aysan kala bixi doonin Soomaaliya illaa ay ka cirib ...

Read More »

Xukuumadda Eritireeya oo Canbaareysey fara Gelinta Dalalka Deriska ay Fara Geliyeen Dalka Soomaaliya.

War saxaafadeeed ka soo baxay Safaaradda Xukuumadda Casmara ay ku leedahay Magaalada Nayroobi ee Dalka Kiinya ayaa lagu Canbaareeyay Fara Gelinta dawladaha Kiinya  iyo Etoobiya. War saxaafadeedkan ka soo baxay Safaaradda Eritireeya ee Dalka Kiinya ayaa lagu sheegey in fara gelinta ...

Read More »

Munaasibad Lagu Maamuusayay Laba iyo Afartan Guuradii ka soo Wareegtay Aas Aaaskii Ciidanka Asluubta oo Maanta ka Dhacday Magaalada Muqdisho.

Munaasibad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ay ka soo qayb galeen Wasiiro. Xildhibaano iyo Saraakiil Ciidan laguna Maamuusayay Laba iyo Afartan Guuradii ka soo wareegatay Markii Dhidibada loo taagay Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa ka dhacday Magaalada Muqdisho. ...

Read More »

Dibad Bax looga soo Hor Jeedo Go’aanadii Shirkii Garoowe oo Maanta ka Dhacay Magaalada Caabud Waaq

Wararka naga soo gaaraya magaalada Caabud waaq ee Gobolka Gal Gaduud ayaa sheegaya in maanta barqadii banaan bax looga soo hor jeedo go’aanadii Shirkii Garoowe in ay halkaa ka dhaceen. Banaan baxayaashan oo isugu jiray Haween, Caruur iyo Dad Da’ ...

Read More »

Xaalad Degganaansha ah oo Saaka laga soo Sheegayo Degaano Hoos Yimaada Bardaale.

Iyadoo shalay gelinkii danbe dagaalo u dhaxeeyay Ciidamada dawladda oo ay kaabayaan ahlu sunna wal jamaaca iyo kuwa Itoobiyaanku iyo xarakada Shabaab ay ka dhaceen degaano hoos yimaada degmada Bardaale ee Gobolka bay ayaa haddana wararka saakay aynu ka heleyno ...

Read More »